​2 qof ku dhintay dab ka kacay kaam ku yaal Garowe

Image

GAROWE- Labo carruur ah ayaa dhintay mid kale waxaa soo gaaray dhaawac darran, kadib dab qabsaday kaamka Ajuuraan oo ku yaalla caasumadda Garowe, halkaas oo ay ku noolyihiin dadka ka soo barakacay colaadaha ka taagan Koonfurta iyo Bartamaha Somalia.

Dabkan ayaa ka dhashay mid kamid ah baallayaasha haya layrarka cad-ceedda ku shaqeeya, waxana taasi kaliftay inuu qabsado guri ka ag-dhawaa dabadeedna u gudbo ilaa 18 guri.

Dhibaato xooggan ayaa soo gaartay qoysaskii halkaasi ku noolaa, waxaana guud ahaanba baaba'ay hantidoodii ku jirtay cooshada gubtay.

Maamulka degmada Garowe, ayaa booqday iyo qaar kamid ah hay'adaha maxalliga ah, waxayna ballanqaadeen inay wax u qaban doonaan.

Galabta ayaa la gaarsiiyay baco iyo agab yar oo maamulka Garowe ugu talo galeen inay kusii moodaan dhibaatada haysata in kastoo aysan ku filnayn.

Duqa degmada Garowe, ayaa codsi u jeediyay dhammaan hay'adaha kaalmada bixiya, wuxuuna ka ugu baaqay inay sameeyaan qorshe lagu badalayo guryahan macmalka ah ee dhibaatada u nugul.

Xilliyada xagaaga ee dabayshu dhacayso ayaa dhibaatada ugu badan soo gaartaa barakacayaasha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM