​46 maxbuus Shabaab katirsan oo Garowe la keenay

Image

GAROWE- Waxaa maanta magalada Garowe la keenay 46 kamid ah maxaabiis katirsan ururka Shabaab oo lagu qabtay dagalladii ka dhacay gobolka Mudug, waxaana magalada Garowe soo gaarsiiyay cutubyo katirsan ciidanka dowladda oo si diiran loogu soo dhaweeyay duleedka Koonfureed ee caasumadda Puntland.

Maamulka degmada Garowe iyo boqolaal dadka deegaanka kamid ah ayaa soo dhaweyntaasi ka qayb qaaday, kuwaasi oo sitay calanka Puntland islamarkaana ruxayay caleemo qoyan.

Soo dhaweyn kadib waxa warbaahinta la hadlay duqa degmada Garowe oo sheegay inay ku faraxsanyihiin guulaha ciidamadu gaareen, wuxuuna tilmaamay inay markasta garab taaganyihiin cutudooda.

Dhinaca kale mid kamid ah saraakiisha hogaaminaysay ciidamada waday maxaabiista ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, isagoo xusay inay markasta diyaar u yihiin qaabkii looga hortagi lahaa koox kasta oo doonaysa inay dhibaato ka abuuraan dhulka nabdoon ee Puntland.

Tiradan maxaabiista ah ayaa ku biiray kuwa kale oo horay loo keenay magalo madaxda Puntland kuwasi oo lagu soo qabtay dagalladii ka dhacay Suuj iyo Garmaal ee Nugal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM