5 qof oo ku dhintay shilal ka dhacay inta u dhaxaysa Garowe iyo Qardho

Image

GAROWE, Puntland- Labo Gaari ayaa galabta ku dhacay inta u dhaxaysa deegaanka Xaaji Khayr iyo Garowe, waxaana ka dhashay khasaaro laxaad leh oo soo gaaray dadkii saarnaa gawaaridaas oo ku wajahnaa caasumadda Puntland.

Baabuurta dhacday ayaa midkood ahaa, Noah halka kan kale uu ahaa baabuur ay lahayd shirkadda Safarrada ee Raaxo.

Taliyaha Ciidanka ilaalada Waddooyinka Puntland, Axmed Cabdi Cali oo la hadlay Radio Garowe, ayaa sheegay in tirada dhimashada labada gaari ay gaarayso 5 qof halka dhaawacu gaarayo 22 qof.

Dadka dhibaatadu soo gaartay ayaa la kala gaarsiiyay cusbitaalada magaalooyinka Qardho iyo Garowe.

Shilka Noah-da ayaa yimid kadib markii uu ka  baxay jidka, waxaana ku dhintay labo qof, halka sideed kale dhaawacmeen.

Balse Gaariga Shirkadda Raaxo, ayaa waxaa ku dhintay 3 qof, halka ay ku dhaawacmeen 14 qof.

Gaarigan oo ahaa Bas ayaa waxaa talisku sheegay inuu u qarxay Taayar.

Taliyaha Ciidanka Waddooyinka ayaa baabuurtan ku eedeeyay inay si xad dhaaf ah u raraan islamarkaana socdaan waqti kulul, isagoo ku goodiyay inay sharciga la tiigsan doonaan islamarkaana Barri soo saari doonaan Awaamiir arrintaas la xiriirta.

Shilalkan ayaa soo noq noqday ilaa todobaadkii hore, waana Gaarigii labaad oo shirkadda Raaxo oo ku dhacay nawaaxiga degmada Qardho.

GAROWEONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM