Abaarta ka jirta Puntland oo heerkii ugu sarraysay gaartay [Sawirro+Dhagayso]
GAROWE, Puntland- Abaarta ka jirta deegaanada Puntland ayaa hadda maraysa heerkii ugu sarreeyay, waxaana ugu daray deegaanada miyiga ah iyadoo duunyadii dhammaatay iminkana halis ku jiraan nolosha dadka gaar ahaan waayeelka iyo Carruurta.
Guddoomiyaasha gobollada iyo degmooyinka Puntland, ayaa kuwaramaya in reer guuraagii Miyiga ku dhaqnaa kusoo xaroodeen Tuulooyinka iyo magaalooyinka kadib markii ay ka le'deen xoolahoodii islamarkaana u baqeen noloshooda, kadib markii ay waayeen waxay quutaan iyo biyo ay cabbaan.
Mukhtaar Cabdiraxmaan Guddoomiyaha degmada Dangoroyo ee gobolka Nugal, ayaa Radio Garowe u sheegay in degmaadaasi kusoo xaroodeen 120 qoys oo ku hanti beelay abaarta jirta.
Mudanaha ayaa xusay in qoysaskaasi yimaadeen hal maalin oo qura, isagoo tilmaamay inay jiraan dad kale oo horay u yimid.
Wuxuu intaas ku daray inay jiraan dadaallo ay dadka haray ee wali Miyiga ku sugan ku gaarsiinayaan cunto iyo Biyo.
Guddoomiyaha degmada Dangoroyo, ayaa xusay inaysan wali soo gaarin Gurmadyada kasocda deegaanada Puntland, marka laga reebo deeq ay aruurisay warbaahinta Radio Garowe.
Abaartan ayaa noqotay mid ay ka simanyihiin gobollada Puntland, waxaana sawirro lagasoo qaaday Bariga gobolka Mudug, gaar ahaan nawaaxiga Jariiban iyo Garacad sheegayaan in xoolihii ku baaba'een dadkiina loo baqsanyahay.
Wafdi kasocda guddiga loo xilsaaray abaaraha ayaa gaaray degmada Towfiiq halkaas oo ay ka samaynayaan gurmadyo wax lagu gaarsiinayo dadka xaaladoodu liidato.
Dhinaca kale, waxaa magaalooyinka waaweyn ee Puntland kasocda dagaallo lagu aruurinayo deeq isugu jirta lacago iyo raashin la doonayo in wax loogu qabto dadka abaartu saamaysay, inkastoo dadku xusayaan in abaarta jirta ka awood badantahay dadaallada socda.
Majirto ilaa hadda wax deeq caalami ah oo soo gaartay deegaanada Puntland, xilli madaxweyne Gaas dhawaan la kulmay hay'adaha caalamiga ah ee ku sugan Puntland, kuwaaso u diray baaq caalami ah oo ku aadan inay ka qayb qaataan dadaallada loogu gurmanayo dadka abaaruhu saameeyeen.
GAROWEONLINE