Afhayeenka cusub ee baarlamaanka dowladda Puntland oo la doortay

Image

GAROWE, Puntland – Baarlamaanka dowladda Puntland ayaa Khamiista maanta ah wuxuu doortay afhayeen cusub markii ay todobaadkii hore kalsoonida kala noqdeen Cabdixakiim Axmed Dhooba Daareed.

Kursiga afhayeenka Golaha Wakiilada ayaa nidaamka dowliga ahaan wuxuu yahay midka saddexaad ee ugu awooda badan maamulkan xubinta ka ah federaalka Soomaaliya.

Saddex murashax oo Xildhibaano ah ayaa ku tartamay coddeynta kuwaas oo kala ah; Cali Axmed Dhahar, oo wareega koowaad ku haray, Cabdijamaal Cismaan Maxamed iyo Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Tiradda Xildhibaanadda doorashadda ka qeybgashay ayaa waxay gaareysaa 63, waxaana maqneyd saddex kale, sidda Guddigu doorashadu shaaciyey. Wadarta goluhuna waa 66.


Natiijadda wareega koowaad ee coddeynta

Cali Axmed Dhahar 12 cod

Cabdijamaal Cismaan Maxamed 17 cod

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil 34


Sidda ku cad natiijadda, Maxamed iyo Jibriil, oo soo gudbay ayaa waxay ku tartameen wareega labaad ee cod-bixinta oo uu kasoo baxay gudoomiyaha cusub.

Mudaneyaasha oo ay ku jiraan labada murashax ee wareegan isugu soo haray ayaa waxay bilaabeen coddeynta oo qaab xor ah, xalaal ah iyo daah-furan u qabsoontay.


Natiijadda wareega koowaad ee labaad

Cabdijamaal Cismaan Maxamed 17

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil 46


Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda, ayaa ku dhawaaqay in Abwaan Cabdirashiid uu yahay afhayeenka cusub ee Aqalka.

Xildhibaanka laga guuleystay oo ogolaaday natiijadda ayaa balanqaaday in uu la shaqeyn doono gudoomiyaha cusub oo u mahadnaqay dhamaan mudaneyaashii codkooda siiyey iyo kuwa ka coddeeyay.

Mr Jibriil oo hadlay ayaa sheegay in uu fulin doono qodobadii uu ku xusay hadal-jeedintiisa oo ay kamid yihiin; balaarinta dhismaha Golaha Wakiilada, isla xisaabtanka iyo sarre u qaadida aqoonta Xildhibaanada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM