Agaasimihii Maaxtooyada Puntland oo iska casiley xilkii uu hayey

Image

GAROWE, Puntland- Agaasimhii madaxtooyada Puntland ayaa qoraal warsidaha Garowe Onine Heley ku sheegey in xilkii uu hayey iska casiley isagoo Madaxweynaha Puntland ugu mahadceliyey xilka uu horey ugu magacaabey.

Deeq Suleyman Yusuf oo kamid ahaa dhalinyaradii Madaxweynaha Puntland kasoo raacdey Muqdishu markii uu Ra'isal wasaraaha ahaa ayaa waxaa uu qayb weyn ka ahaa curyaamintii ku timid hay'adaha Puntland isagoo dhamaan shaqadooda ku soo ururiyey xafiiska madaxtoooyada Puntland.

Agaaaimihii hore ee madaxtooyada Puntland oo ku sugnaa magalaada Muqdishu ayaa kamid ahaa xubnaha olalaha ugu jira mid kamid ah musharaxiinta xilka Madaxweynaha Somalia u tartamayey iyadoo wararku sheegayaan in is-casilaadiisa qayb ka tahay isagoo kamid dadka xilalka ka raadinaya dowlada cusub ee Somalia.

Xukuumada madaxweyne Gaas oo musuqmaasuq ragaadiyey ayaa saraakiishiisa dowlada waxay noqdeen kuwo shaqooyin ka raadinaya magalaada Muqdishu halka kuwo kale shaqo la'aan ugu sugan yihiin magaaloyinka Puntland.

Madaxweyne Gaas oo safar joogta ah uga maqan Puntland ayaa muddo sanad iyo Bar ah fariisan xafiiska shaqada ee lagu yaqaaney madaxdii hore uga soo arimin jirtey Puntland.

Hoos ka akhri qoraalka Deeq Saleyman Emailka uu u gudbiyay Madaxweynahiisa.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM