​Agaasimihii Madaxtooyada Bosaso oo la dilay

Image

BOSASO, Puntland- Koox hubaysan ayaa galabta kahor saaladdii Maqrib kahor magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari ku dishay Agaasimihii Madaxtooyada magaalada Ganacsiga Puntland Aadane Gaas Huruuse.

Goob joogayaal la hadlay GO, ayaa sheegay in dhowr xabadood madaxa looga dhuftay Agaasimaha isagoo ku suganaa waqtigaas hotel Huruuse oo ku yaalla bartamaha magaalada Bosaso.

Kooxdii dilka gaysatay oo ilaa hadda aan haybtooda la aqoon ayaa goobta ka baxsatay iyadoo aan la garayn halka ay jaan iyo cirib dhigeen.

Aaden, ayaa in kabadan 10 sano maamule ka ahaa xarunta madaxtooyada magaalada Bosaso, wuxuuna ahaa nin da'a ah oo aad looga yaqaanay xarunta gobolka Bari.

Lama oga sababta loo dilay iyadoo ilaa hadda aysan jirin koox sheegatay mas'uuliyadda weerarka lagu dilay Agaasimaha.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta yimid iyagoo baaritaano ka sameeyay nawaaxiga hotelka.

Dhacadadan, ayaa timid wax ka yar todobaad markii magaaladaasi lagu toogtay maalin cad taliye ku-xigeenkii Saddexaad ciidamada Booliiska Puntland, Jaamac Saxardiid oo markii dambe u dhintay dhawac kasoo gaaray xabado ay la dhaceen koox ku hubaysnaa bastoolado.

Majirto dilkaas ilaa hadda cid loo soo qabtay, balse furitaankii kalfadhiga golaha deegaanka Bosaso, waxaa guddoomiyaha gobolka Bari Dhedo, uu kasheegay inay howlgallo ciidamadu sameeyeen kusoo qabteen in kabadan 120 ruux.

Amniga magaalada Bosaso, ayaa faraha ka baxay muddooyinkii dambe xilli ciidamada difaacu howlgallo ka wadaan gobolka Bari, gaar ahaan deegaano ay ku suganyihiin koox sheegatay inay xiriir la leeyihiin Daacish.

Horay waxaa sidoo kale buuraha gobolka ugu sugnaa kooxda Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM