Agaasiimaha Madaxtooyada Puntland oo xogta Xafiiska kaga goodiyey Baraha Bulshada
GAROWE- Agaasiimaha Madaxtooyada Puntland Cabdinaasir Biixi Soofe oo Madaxweyne Gaas qaraabo dhow yihiin ayaa bartiisa Facebook soo dhigey maalintii shaley 24 August, 2017 qoraal kooban oo uu cinwaan uga dhigey "Mucaaradka Soomaalida" kaasoo uu ku durayey shaqsiyaad uusan magacaabin kuwasoo uu sheegey in dhowaan markii xilal ka waayeen Golihii wasiirada ee la soo magacaabey ku biireen mucaaradka.
Cabdinaasir Biixi ayaa qoraalkaan ku yiri "Qoraalo waxaan arkay la leeyahay Puntland waa duntay ee halagasoo gaaro iyo wax la mida. Waxaa ayaan daro ah, dadka waxaas qoraya oo aan hebel iyo hebel oran karo, maalma kahor intaan xukuumada lagu dhawaaqin waxay raadinayeen, oo geed dheer iyo mid gaaban u fuuleen, in ay helaan wasiirnimo, waxayna diyaar u ahaayeen meeshaas maanta ay leeyihiin way duntay in ay qayb ka noqdaan wilibana difaacaan"
Biixi ayaa sidoo kale isagoo ka jawabaya si dadban bayaan dhowaan ay soo saareen mid kamid ah beelaha daga gobolka Nugaal waxaa bartiisa Facebook ku yiri "Soomaaliya ninkii dantiisa gaarkaa waayaa wuxuu gashadaa shaati mucaardnimo ama in beeshiisa la xaqiray oo uu xaqoodii raadinayo. Toloow goormaynu arki doonaa nin danta guud darteed wax u mucaaradaya?."
Dowlada Puntland ayaan si toos ah uga jawaabin, balse odayaal kale ka hadalsiisey kadib markii odayaal ka tirsan beelaha daga gobolka Nugaal ay ugu baaqeen Madaxweyne Gaas inuuis-casilo madaama uu ku guuldareysatey Waajibaadkiisa iyo Howshii uu dadka u hayey.
Hadalka Cabdinasir Biixi ayaa dad kaga jawaabay baraha bulshada ku eedyeen in xogta xafiiska Madaxweynaha uu soo dhigey baraha bulshada taasoo meel ka dhac ku ah Hab maamuuska iyo Anshaxa Shaqada (Work Ethics) iyagoo sidoo kale ku eedeeyey in isagu ku yimid xafiiska qaab beeleed madaama xigta hoose ay yihiin Mudane Cabdiweli Maxamad Cali "Gaas".
Cabdinaasir Biixi Soofe ayaa inta uusan xilkaan qaban Madaxweynaha Puntland u magacaabey horaantii sanadkii 2014 Agaasiimaha ciidamada Badda Puntland "PMF" balse xilkaan laga eryey kadib markii uu ku lug yeeshey Kaluumeysiga sharci darada ah gaar ahaan midka ay sameeyaan doonyaha laga leeyahay dalka Iran.
Dhinaca kale, Biixi ayaa lagu eedeeyay inuu Kaalin weyn ku leeyahay maamul xumada iyo Muqus-maasuqa lagu sameeyo raashinka Wadanka Turkiga ugu deeqo dalka Somalia, gaar ahaan qaybta ahaan maamulka Puntland la soo gaarsiiyo.
Raaahinkaan ayaa madaxtooyada Puntland ka leexisaa wasaradaha loogu talagaley iney dadka gaarsiyaan iyadoo xigto ahaan Qandaraas loogu siiyo shaqsiyaad Madaxweyne Gaas isku Beel yihiin.
Puntland ayaa tan iyo intii la dhisey ku guuldareysatey in nidaamka qabaliga ah oo Madaxweyne Gaas iyo kooxda ku wareegsan xukunka kula wareegeen sanadkii 2014 uga gudubto Doorasho Hal Cod Hal qof "One Person, One Vote".
Siyaasiyiin uu kamid yahay Madaxweyne Gaas ayaa iyagoo adeegsanaya beelaha ay kasoo jeedaan sanadkii 2013 kahor yimid in nidaamka doorashada xorta ah ee xisbayada badan ka hirgalo Puntland kuwasoo diidey in deegaano ka tirsan maamulkaas la geeyo sanaadiiqda doorashada.
Madaxweyne Cabdiraxman Farole oo markaas talada Puntland hayey ayaa joojiyey codbixintii socotey sanadkii 2013 isagoo dib ugu noqdey nidaamkii qabaliga ahaa ee 66-da Xildhibaan, kasoo xilka uu kula wareegey Madaxweynaha iminka talada haya kadib markii uu ku guuleystey Hal Cod oo Kaliyah doorashadii January 8, 2014.
GAROWEONLINE