AKHRISO: Magacyada xubnaha lagu doortay Garowe
GAROWE, Puntland- Waxaa maanta 10 December, 2016 lagu doortay magaalo madaxda Puntland ee Garowe, 11 xubnood oo kamid ahaa 16 Kursi oo guddiga doorashooyinka dadban u yeereen Todobaadkii hore, kuwaasoo ka harsanaa 37-da Xildhibaan ee Puntland laga siiyay Aqalka hoose.
Doorashada maanta oo lahayd xiiso iyo xamaasad laxaad leh, ayaa waxaa kusoo baxay xubno isugu jira haween iyo rag qaybtood ku cusub yihiin saaxaadda Siyaasadda iyo kuwo muddo badan raadinayay inay kamid noqdaan golaha matalaya shacabka Somaliyeed, waxaana guul darrooyin dhabarka loo suray rag aad loogu saadilinayay inay mar kale hantin doonaan kalsoonida Ergada kasocota beelahooda.
Mas'uuliyiinta waayay kalsoonida Ergada waxaa kamid ahaa; Axmed Guraase oo soo noqday wasiirkii waxbarashada dowladda Somalia iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil.
Waxaa sidoo kale doorashadii maanta looga adkaaday xubno madaxweynaha Puntland doonayay inay kusoo baxaan Aqalka hoose.
Halkan hoose ka akhriso Magacyada Xildhibaanada soo baxay iyo beelaha ay kasoo jeedaan;
- Daahir Maxamed Muuse Beesha Leelkase
- Cabdirashiid Maxmaed Gaboobe Beesha Leelkase
- Saadiq Warfaa Beesha Leelkase
- Sharmaake Garaad Saleebaan Beesha Dhulbahante
- Maxamed Cabdullaahi Beesha Warsangali
- Sacdiya Salaad Samatar Beesha Carab-Saalax
- Xaawo Yuusuf Axmed Beesha Cumar Maxamuud
- Maxamed Axmed Ciise Beesha Cusmaan Maxamuud
- Maxamed Cabdikaafi Max’ed Beesha Carab Saalax
- Cabdullaahi Bidhaan Warsame Beesha Dhulbahante
- Saleebaan Axmed Xaashi Beesha Cumar Maxamuud.
Dhanka kale, waxaa intii doorashada lagu jiray is-casilay xubin kamid ah guddiga doorashooyinka dadban ee heer maamul goboleed kaasoo lagu magacaabo Cali Faysal, wuxuuna go'aan qaadashadiisa u sababeeyay in doorashada socota haraysay musuq-maasuq iyo wax is-dabo marin.
Cali, ayaa is-casilay xilli ay socotay doorashada mid kamid ah xubnaha u tartamayay Aqalka hoose.
Warsidaha Garowe Online, ayaa fahamsan in Faysal uu ku guul darraystay inuu is-hortaag ku sameeyo xubin beel ahaan isku dhowyihiin taasoo lagu magacaabo Sacdiyo Salaad Samatar oo ka adkaatay haweenay kale oo ay kawada tirsanyihiin Beesha Carab Saalax.
Mas'uulkan ayaa warar hoose sheegayaan inuu u ololaynayay sidii haweenaydan looga guulaysan lahaa doorashadii maanta dhacday.
Tallaabadan ayaa muujinaysan in madaxda dowladda iyo guddiga doorashooyinkuba faraha kula jiraan arrimaha socda, waxaana dhacdada qayb katahay cabashooyin muddooyinkii dambe soo baxay taasoo walaac looga muujinayay habab wax u socdaan ee la xiirta soo xulista xubnaha Aqalka hoose.
Doorashooyinkii ka dhacay magaalada Garowe (Aqalka Sare iyo Kan hoose), dadka reer Puntland, waxay ku guul darraysteen inay dib u helaan xubnihii kusoo milmay siyaasadda Federaalka Somalia, waxaana boosaskoodii kusoo baxay shakhsiyaad ku cusub, waxaana arrinta caksi ku tahay doorashooyinkii ka dhacay maamullada kale ee dalka Somalia, kuwaasoo badi Ergooyinku u codeeyeen shakhsiyaadkii aadka ula socday arrimaha Somalia kuna soo jiray Barlamankii waqtigu ka dhammaaday.
GAROWEONLINE