Akhriso: ​Xukuumadda Puntland oo guddi u saartay soo dhaweynta Farmaajo

Image

GAROWE, Puntland- Kulanka Khamiis-laha ahaa ee golaha xukuumadda Puntland oo shir Guddoomiyay Madaxweyne Cabdiwali Gaas islamarkaana ka qabsoomay magaalada Garowe, ayaa diiradda lagu saaray dhowr qodob oo ay ku jirto dagaalka Daacish, Al Shabaab, Qaban qaabada 19 guurada kasoo wareegtay Aas-aaska Puntland iyo Canshuurta Puntland.

Shirkan oo warbixino looga dhagaystay Guddiga Abaaraha oo horkacayo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiim Camey, ayaa sheegya inay jiraan deegaano ay ka jirto xaalad abaareed, gaar ahaan gobollada Nugal, Mudug iyo Sool.

Amniga ayaa aad looga hadlay, waxaana la sheegay in dowladdu wadi doonto dagaalka Al Shabaab iyo Daacish inta laga sifaynayo.

Golaha xukuumadda Puntland, ayaa shirkooda ku magacaabay labo Guddi oo ay kala qaabil sanaan doona xafladda 1 august ee Aas-aaska Puntland iyo soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale Wasiirrada Puntland, ayaa gacansatada ugu baaqay inay bixiyaan canshuurta macaashka Guryaha iyo mid shaqaalaha oo la sheegay inay hadda qaadistoodu ka socdaan gobollada Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu booqasho rasmi ah ku yimaado deegaanada Puntland 17 bishan, taasoo ka dhigan inuu socdaalkii ugu horeeyay ku yimid Puntland.

Go'aanka ayaa dabo socday xilli shalay Madaxweyne Gaas Ganacsatada u sheegay in canshuurtaas tahay mid waajib ah oo aysan dowladdu u marin hab sharci darro ah.

GAROWONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM