Al Shabaab oo sheegatay Qaraxii Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda dilka Sarkaal katirsanaa ciidamada booliska Puntland, oo saaka ku dhintay qarax loogu xiray gaarigiisa gudaha magaalada Gaalkacyo.

War qoraal ah oo ay soo saartey Al Shabaab ayaa lagu sheegay inay qarax ku dishay Col Cali Ibraahim Cali [Cali Magafe], oo ahaa Taliyaha booliska Puntland ee waaxda Suuqa magaalada Gaalkacyo.

Gaariga Cali Magafe ayaa ku qarxay nawaaxiga Madaxtooyada ee waqooyiga Gaalkacyo, xilli uu kusii jeeday goobtiisa shaqo, jugta qaraxa laga maqlay qeyb kamid ah magaalada, sida ay Goob-joogiyaal u xaqiijiyeen Warsidaha Garowe Online.

Ciidamada Puntland ayaa goobta xiray qaraxa kadib, iyagoo sameeyay howlgal aan la ogeyn cida lagu soo qabtay.

Dowladda Puntland wali kama aysan hadlin dilka Marxuum Calii Magafe, oo kamid ahaa saraakiisheed booliska. Dilka Cali Magafe waxa uu qeyb ka yahay dilalka iyo falalka argagaxiso ee ka dhacaya magaaalada mudooyinkii dambe.

Suuqa magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay dhawaan iska hor-imaad khasaaro dhaliyay oo u dhaxeeyay malleeshiyaad kala taabacsan Ganacsato kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM