Al Shabaab oo weerar Khasaaro badan gaystay ku qaaday ciidamada Puntland ee Galgala

Image

BOSASO, Puntland- Khasaaro xoog leh ayaa ka dhashay weerar dhacay xilligii suxuurta kadib oo kooxda Al Shabaab ku qaaday fariisin ciidamada Puntland ku lahaayeen deegaanka Af-urur ee gobolka Bari.

Al Shabaab ayaa dishay labo sarkaal oo haystay ciidamada ku sugnaa deegaankaas, iyadoo sidoo kale la wareegtay saldhiggaas oo ay daganayeen ciidamada daraawiishta.

Inkastoo aan la xaqiijin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, wararku waxay sheegayaan in badi ciidamadii halkaas joogay dhammaantood la laayay, kuwana nolol ahaan ay u qabsadeen.

Ciidamada la weeraray ayaa lagu sheegay inay ahaayeen saddex urur,  balse labo kamid ah kooxdaasi ay dishay.

Dhammaan baabuurtii goobta taallay ayaa lagusoo waramayaa in la gubay, halka ay la wareegeen rasaastii saldhiga taallay.

Ciidamado gurmad ah ayaa goobtaas ku baxay, balse waxaa lagusoo waramayaa inay la kulmeen iska caabin xooggan.

Waa weerarkii ugu khasaaraha badnaa oo kooxdan ka fuliso buuraha Galgala, wuxuuna kusoo aaday xilli muddooyinkii dambe ay yaraayeen weeraradii lagu qaadi jiray kooxdan ee ka dhici jiray buuraha Galgala.

Waxaa adag in la helo xaqiiqada rasmiga ah ee dagaalkaas, balse afhayeen u hadlay kooxdaas oo lagu magacaabo Abu Muscab, ayaa baahiyay inay dileen 61 askari oo katirsan ciidamada difaaca.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinac dowladda Puntland.

Dhawaan ayaa ciidamadu qabteen qaraxyo kooxdan Argagixisada ah ay doonayeen inay weeraro kaga gaystaan magaalada Ganacsiga Puntland ee Bosaso.

Xaaladda deegaanka Af-urur ayaa iminka dagaal kasocdaa, waxaana jira dadaalo ciidamadu ku doonayaan inay ku jabiyaan kooxda weerarka fulisay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM