Al-shabaab oo u hanjabtey shaqaalaha Qaramada Midoobey

Image

April 22, 2015 (GO)- Af-hayeenka Al-shabaab Cali Dheere ayaa ka hadlay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee labo maalmood kahor ay magaalada Garowe kula beegsadeen gaari bas ah oo sidey qaar kamid ah shaqaalaha Qaramada Midoobey.

Cali Dheere wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan weerarrada caynkan oo kale ah isagoo xusey in Qaramada Midoobey qayb ka tahay dhibaatada Soomaaliya sidaas darteed mar walba ay beegsan doonaan xarumaha iyo shaqaalaha Qaramada Midoobey.

"kuwa sheegta Qaramada Midoobey inta ay joogaan Soomaaliya kuma nabad galayaan, waxay dhadhamin doonaan rasaasteena" ayuu yiri.

Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee labo maalmood kahor ka dhacay Garowe waxaa ku geeriyoodey lix qof oo afar kamid ah ajnebi ahaayeen,  waxaa sidoo kale ku dhaawacmey todoba qof oo shan kamid ahi Soomaali yihiin.

Dowladda Puntland, Dowladda Federaalka iyo xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa si weyn u cambaareeyey weerarkaas kuna tilmaamey fal waxashnimo ah.

Al-shabaab ayaa horay deegaannada ay ka taliso uga mamnuucdey hay'adaha Qaramada Midoobey, maadaama ay ku eedeysey inay basaas u yihiin Dowladda Federaalka iyo ciidamada AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM