Al-shabab oo sheegtay mas'uuliyadda weerarkii saldhiga Bosaso

Image

February 5, 2015 (GO)- Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyada weerarkii habeen hore lagu soo qaaday saldhigga booliska Baalade ee magaalada magaalada Bosaso.

Af-hayeenka hawlgallada Al-shabaab Cabdulcasiis Abu Muscab ayaa sheegay inay weerarkaas fuliyeen dagaalyahano ka tirsan xoogaga Al-shabaab ee fariisimaha kuleh buuraleyda Golis.

Af-hayeenka Al-shabaab ayaa intaas ku daray in weerarka ay hal askari ku dileen mid kalena ku dhaawaceen, wuxuu sidoo  kale sheegay inay gubeen hal gaari labo kalena waxyeelo xooggan soo gaarsiiyeen.

Dhanka kale taliyaha saldhigga Baalade ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in saldhigga ay soo weerareen ugu yaraan 25 nin oo si xooggan u hubeysnaa. Iska hor imaadkii dhex maray ciidanka iyo kooxdii weerarka soo qaadey wuxuu taliyuhu sheegay in hal askari oo qura ku dhaawacmay.

Weerarkii habeen hore lagu soo qaaday saldhigga boolisa Baalade ayaa ahaa kii labaad ee Al-shabaab si toos ah ugu soo qaado saldhig boolis oo Boosaaso ku yaal. Wrarkii kan ka horreeyey ayaa dhacay bishii November ee sanadkii 2013, markaasoo kooxo ka tirsan Shabaabku sidan oo kale usoo weerareen xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso (Gaal-shire).

Saraakiisha hay'adaha ammaanka Puntland weli wax war ah kama soo saarin ammaanka soo xumaanaya ee magaalooyinka Bosaso iyo Galkacayo oo iyagu ah labada magaalo ee ugu waaweyn Puntland uguna dadka badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM