Amarro la duldhigay Gaadiidka isaga kala goosha Garoowe iyo Tukaraq

Image

GAROOWE, Puntland - Guddiga Difaaca Puntland ayaa amarro culus duldhigay gaadiidka isaga kala goosha magaalooyinka Garoowe iyo Laas-caanood, xilli uu socda diyaargarow dagaal.

Meelaha sida gaarka ah u saameynayo amarka ayaa ah Aaga Tukaraq, halkaasoo ciidamo ka kala tirsan labadda maamul ee Puntland iyo Somaliland isku hor-fadhiyaan, islamarkaana saacad kasta laga cabsi qabo inuu dagaal ka qarxo.

Dadka shacabka ah ayaa lagu amray in aysan tagi karin deegaanka Tukaraq iyo meelaha kale ee u dhow sida Buura-wadal, Hadh-wanaag, Faleyryaale, iyo God-qaboobe.

“Shacabka iyo Gaadiidka, gaar ahaan kuwa Shidaalka qaada waxaa la farayaa in aysan tagi karin Aaga Tukaraq. Ciidamadana waa inay baaraan baabuurta ka imaaneysa Laas-caanood iyo Garoowe,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Shacabku ma dhex-tegi karaan goobaha colaada ka taagan tahay. Ciidamadana waa inay amarkaan si deg deg ah u dhaqan-geliyaan,” ayaa lagu sheegay warka kasoo baxay Guddiga Difaaca Puntland.

Dhanka kale, Wararka aan ka helayno Tukaraq ayaa sheegaya in ay ka jirto baqdin ku aadan inuu qarxi karo dagaal waqti kasta, maadaama ciidamada labada dhinac ay is-horfadhyaan islamarkaana ay jirto saan-saan colaadeed.

Go'aankan ayaa yimid maalmo kadib markii Xukuumadda Puntland ay ku dhawaaqday inay ku jirto diyaargarow dagaal, kaasi oo lagu sheegay in lagu xureynayo deegaanada ay Somaliland kala wareegtay. [Halkan ka akhri warka].

HOOS KA AKHRI WARQADDA GUDIGA DIFAACA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM