Amniga iyo horumarka Godob-jiiran oo shir gaar ah laga yeeshay

Image
Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kulankan waxa uu la qaatay maamulka iyo wax-garadka degmadda.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan degmada Godob-jiiraan ee gobolka Nugaal ayaa xalay kulan la qaatay maamulka degmada, odayaasha iyo waxgaradka guud ahaan deegaanada hoosyimaadda degmada.

Kulanka oo salka ku hayey is-xog waraysi guud oo la xiriira fursadaha, caqabadaha, Amniga iyo horumarka magaalada ayaa waxaa qaybgalay Islaan Ciise Islaan Maxamed , Xubnaha Goleyaasha Dowladda ee qaybta ka ah weftiga Madaxweynaha ee ku sugan Godobjiiraan, Maamulka Gobolka Nugaal iyo masuuliyiin kale.

Dhanka kale, Deni oo ku sugan degmada Godob-jiiraan ee Gobolka Nugaal ayaa maanta kormeeray saldhiga Booliska degmada, waxaana uu warbixin ka dhegaystay Saraakiisha Laamaha Amniga.

Geesta kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta dhagax dhigey qaybta qaliinka ee Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee degmada Godob-jiiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM