Amniga magaalo madaxda Garowe oo lagu wareejiyay ciidamo isku dhaf ah

Image

GAROWE, Puntland – Guddiga nabadgelyada gobolka Nugaal oo Isniinta maanta ah ku kulmay Garowe ayaa soo saarey go'aan quseeya amniga magaalo madaxda dowlada Puntland.

Ugu horeyn, waxay isla qaateen in ciidamo isku dhaf ah oo ka socda PMPF, PSF iyo ilaaladda madaxtooyada dowlada Puntland lagu wareejiyo ammaanka guud ee caasimadda.

Talaabadan oo ku meel gaar ah ayaa socon doonta inta laga dhameystirayo dib-u-habeynta balaaran ee lagu waddo ciidamadda qalabka sidda.

Sidda lagu sheegay qoraal ay soo saareen kaasoo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online, bileyska waa in kontaroolada uu si degdeg ah ugu wareejiyaa ciidamada isku dhafka ah.

Ugu dambeyntii, waxay soo jeediyeen in lala dagaalmo khamriga iyo xashiishka oo "ka qeyb-qaata amni daradda". Si lamid ah waxay ku baaqeen in la hubiyo tirada iyo tayada ciidanka.

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM