Aragtida shirka IGAD dadweynaha magaalo madaxda Puntland

Image

GAROWE Jan 10,2015 [GO]- Shacabka magaalada madaxda Puntland ee Garowe oo Radio Garowe ay makarafoonka la dhexqaaday waxay soo dhaweeyeen shirka IGAD uga furmay magaalada Muqdisho waxaana ay sheegeen in shirkaasi uu yahay mid taariikhda u galaya Soomaliya.

Dadweynahaan ayaa sidoo kale sheegay in ay tani muujinayso in Soomaliya ay ka mid noqonayso wadamada amaankooda lagu kalsoonyahay ayna horseedayso hormarka guud ahana wadanka Soomaliya.

Dadka ka dhiibtey fikradaan ayaa xooga saarey in shirkaan lagaga hadlo sidii loo xoojin laha nidaamka Federaalka ah ee Somalia higsaneyso.

Dhageysi wacan aragtida dadweynaha ku nool magaalo madaxda dowlada Puntland ee Garowe.

GAROWEONLINE+RADIO GAROWE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM