​Arday ka Qalin-jabiyay Jaamacadda EAU [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Ku dhawaad 200 Arday oo ka qalinjabiyay Jaamacadda Bariga Africa faraca Garowe ayaa maanta xaflad qalin jabin ah ku dhigtay magaalada Garowe ee Caasumadda Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, wasiirro, isimo waxgaradka, waalidiin iyo marti sharaf kale ayaa ka qayb galay munaasabadaas oo lagu qabtay hoolka Jaamacadda Bariga Africa, waxaana dadka qalin jabinayay kamid ahaa xubno katirsan dowladda.

Xubno u halayay bulshada rayidka ah, maamulka EAU iyo walidiin ayaa dhambaal hambalyo ah u diraan ardayda iyagoo ugu baaqay inay sii wadaan waxbarashadooda.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland Abshir aw Yusuf Ciise ayaa sheegay inuu wasaaraddu dadaal ku bixin doonto sidii loo gacan qaban lahaa Ardaydan, isagoo dhinaca kale ugu baaqay inay ka faa'iidaystaan cilmiga la baray.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, oo xafladda soo xiray ayaa tilmaamay in dowladda aysan shaqo u raadin karin dhammaan Ardayda ka baxda Jaamacada iyo goobaha waxbarashada, balse loo baahanyahay in yaraynta xadiga shaqo la'aanta Ardaydu ka qayb qaataan oo ay la yimaado xirfado iyo shaqo abuur, dowladuna gacan qaban doonto.

Sannadkasta xilliyadan oo kale, waxaa Jaamacadda Bariga Africa ka baxa boqolaal Arday, kuwaasoo ka qalin jabiya ku dhawaad 10 Kuliyadood oo jaamacadu bixiso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM