Arday raadinaysa Nabadda magaalada Galkacyo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Ardayda wax ka barata Iskoolada ku yaalla magaalada Galkacyo gaar ahaan dhinacyada ay maamulaan Galmudug iyo Puntland ayaa maanta dhigay bannaan bax nabadeed iyagoo sita Calanka Cad ee Nabadda.

Dhalinyaradan oo sidoo kale Xirnaa Dharka Iskuulka ayaa socod ku marayay qaybaha magaalada iyadoo Laba dhinac Ardaydoodu isgu yimaadeen Bartamaha xarunta Gobolka Mudug.

Bannanbaxooda ayay gundhiga uga dhigeen "Aan jabino Isbaarada Qalbiga".

Qaar kamid ah dhalinyarada oo ay ka muuqato qiiro iyo inay ka xunyihiin falalka amni darro ee muddooyinkii dambe ka dhacayay gobolka ayaa codsaday in Xasiloonida laga shaqeeyo.

Waxay tilmaameen inay nabadda ku wadaan gacanta Midig dadka xasuusinayaa in dagaal uusan faa'iido lahayn.

Sawirka Madaxweynaha Somalia ayay sureen goobo kamid ah magaalada Galkacyo waxaana dhexmarayay Ardayda labada Dhinac is-barxabayn ay walaalnimo ku dheehantahay.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka labada dhinac oo ku aadan sida ay u arkaan dhalinyarada ka shaqaynaysa Nabada Mudug.

Arrintan ayaa timid xilli maalmihii dambe duleedka Galkacyo kadhacayeen dagaalo salka ku haya aanooyin Qabiil.

Baraha Bulshada ayaa aad loogu faaqiday arrintan oo loo arko inay keeni karto xasilooni.

GAROWEONLE

Related Articles

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM

Guddoomiye Hore oo Maleeshiyaad La Tegay Gobolkiisa — Puntland oo Ka Hortimid

Cabdirashiid Jibriil oo todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa…

  • Puntland

    06-07-2025

  • 06:52AM