​Arday su'aalo weydiisay RW Somalia

Image

GAROWE-Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke, ayaa la kulmay Ardeyda wax ka barata Jaamacadda Bariga Afrika qeybteeda magaalada Garowe, waxana kulanka ku weheliyey Mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha Dawlada Federaalka iyo Puntland, Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadda.

Ugu horeyn maamulaha Jaamacadda Bariga Afrika qeybteeda Garowe Sheekh Maxamed Xaaji Yuusuf ayaa kusoo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa xarunta Jaamacadda, isagoo u sheegay in Jaamacaddu kamid tahay kuwooda ugu faca-weyn Soomaaliya isla markaana ka soo baxeen aqoon yahano iyo Siyaasiyiin miisaan ku leh dalka.

Kulankan ayaa muhimadiisu ahayd sidii isugu xogwaraysan lahaayeen wasiirka koowaad ee dowladda Somalia islamarkaana Ardaydu usoo gudbin lahaayeen aragtidooda iyo su'aalaha maankooda ka guuxaya.

Ra’iisal wasaare Cumar ayaa khudbad uu ka jeediyey hoolka jaamacadaasi, wuxuu faah faahin ka bixiyey isbedellada nabadeed iyo hormarineed ee ka jira Somalia, gaar ahaan xiligan kala guurka, isaga oo xusay in dalkuhada galay isbdedel baaxad leh islamarkaana quseeya dhinacyada hormarka iyo nabadda.

“Somalia waxey xiligan gashay isbedel, waxaan galnay xili dalkeenu u diyaar garoobayo doorashooyin, shacbiga Somaliyeed iyo dowladda Federaalka waxay diyaar u yihiin iney wax wada qabsadaan taasi oo horseedaysa isbedellada aan dooneyno sida doorashooyinka dhowaan dhaci doona,”Ayuu Cumar Cabdirashiid.

Cumar ayaa ka sheekeeyey muhiimada ay leedahay Waxbarashadu,wuxuuna xusay in aad ugu faraxsan yahay booqashada uu ku yimid Jaamacadda iyo sida qiimaha badan ee loogu soo dhoweeyay isagoo Ardayda wax ka barta Jaamacadda Bariga Afrika ku booriyay in ay ka dhabeeyaan hanka ay ku doonayaan inay guul kaga gaaraan Waxbarashadooda.

“Dawladdu waxey ahmiyad siineysaa sidii ay dhalinyarada Soomaaliyeed u heli lahaayeen fursadda ay leeyihiin oo la xiriirta hormarka,dib u dhiska iyo nabadda Soomaaliya waayo waxaad la socotaan in Xukuumadda aan hoggaamiyo u badan tahay dhalinyaro. Waxaa kale oo kaalin mugleh uga jira haweenka Soomaaliyeed. Dawladdu waxay fursad siinaysaa Ardayda aqoonyahannada ah ee ka qalin jebiyey Jaamacadaha Dalka, waana qeyb ka mid ah isbedellada hormarineed oo aynu dooneyno inaan dalka ka hirgelino,”Ayuu hadalkiisa raacshay Ra’iisal wasaare Cumar.

Khudbadda Ra’iisul Wasaaruhu uu jeediyey kadib ayaa Ardayda Jaamacaddu waxey bilaabeen iney su’aallo weydiiyaan, waxaana su’aallaha la weydiiyey ka mid ahaa sida ay doonayaan iney u wajahaan marxaladdaha uu dalku ku jiro, gaar ahaan doorashooyinka iyo sida looga gaashaaman lahaa dhibaatooyin ay keento amni darro oo ka dhaca dalka maadaama ay Soomaaliya weli argigixisadu saameyn ku leedahay.

Waxay kaloo su'aaleen doorka dhalintan ku leedahay saaxadda Siyaadda iyo qaabkay usii wadan karaan waxbarashadooda iyagoo ku dhaliilay in dowladda Somalia sabab u tahay in boqolaal dhalinyaro ah ku biiraan kooxaha nabad diidka ah iyagoo sababta ku sheegay waxbarasho la'aan soo wajahday iyo gacan qabasho ay ka waayeen dowladda dhexe.

Arrimahaasi oo dhan ayaa Ra'isal wasaaruhu ka jawaabay, wuxuuna sheegay inaysan waxba xumaanayn dowladduna taageerayso in jiilla waxbartay mudnaanta la siiyo isagoo usoo jeediyay inay waxbarashadooda sii wataan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM