Ardey Soomaaliyeed oo Lagu Xirey Turkiga loona Soo Tarxiiley Soomaaliya

Image

Istanbul – Wararka uu helayo Garowe Online ayaa xaqiijinaya in Maxamed Cabdimajiid Samatar, oo ahaa arday wax ka baranayey mid ka mid ah jaamacadaha dalka Turkiga, la xirey isla markaana saacadihii la soo dhaafay laga soo tarxiiley dalkaas, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa.

Maxamed oo ah wiil uu dhalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekedaha Puntland, Jaafaan Samatar, ayaa la sheegay inuu si sharci ah muddooyinkii la soo dhaafay ugu sugnaa Turkiga, halkaas oo uu ka watey waxbarashada heerka labaad ee jaamacadeed (Master’s degree).

Qaar ka mid ah ehelkiisa oo la hadlay Garowe Online waxay sheegeen in aan wali si rasmi ah loo shaacin sababta loo xiray iyo tan loo soo tarxiiley, balse ay u maleeynayaan in arrintu la xiriiri karto shaqada aabihiis ka hayo Dekedda Boosaaso.

“Lama yaqaan sababta. Waxa kaliya ee loo tarxiiley waxay u badan tahay inuu reer Puntland yahay—ninkaas waa arday, mana laha wax dambi ah,” ayuu yiri mid ka mid ah qoyskiisa oo codsaday in aan magaciisa la xusin.

Ilaa iyo hadda, dowladda Turkiga si rasmi ah ugama aysan hadlin arrintan, halka dhanka kale aysan si toos ah u baahin sheegashada la xiriirta Markabka Sea World ee dhowaan ay ciidanka Puntland ku qabteen xeebaha Boosaaso.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM