Axmed Madoobe: Barlamanka dhowaan ayaa lasoo xulayaa

Image

January 17, 2015 (GO)- Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo waraysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa sheegay in dhowaan la bilaabi doono soo xulista xildhibaanNada Barlamanka Jubaland.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in shirka soo xulista xildhibaanadu furmayo todobaadka soo socda  lana soo xiri doono horraanta bisha February ee soo socota.

Mar wax laga weydiiyey qaabka lagu soo xulayo xildhibaanada, wuxuu sheegay in dowladu shuqul ku lahayn balse ay tahay arin dhaqan laguna saleeyey deegaanada iyadoo tixgelinta koowaadna la siin doono beelaha dega gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

" arinta Barlamanka waa wax degmooyinka ku xiran, wax maamulku soo xulayo maahee odayaal dhaqan baa iska leh...wax anagu intaan liis haben qorano yeerinayno maaha" ayuu yiri.

Sugidda amaanka iyo la-dagaalanka al-Shabaab:

Axmed Madoobe oo la weydiiyey su'aal ahayd " maxay ciidamada Jubaland horumar uga sameyn la'yihiin dhanka ammaanka iyo la-dagaalanka al-Shabaab?" Wuxuu sheegay in arintaas wax ka jiraan sababtuna tahay maadaama muhiimadda koowaad la siiyey dib-u-heshiisiinta iyo dhameystirka maamulka.

Wuxuu sidoo kale sheegay  in hawlgalka ka dhanka al-Shabaab ee ka socda gobolladaasi ahayn  mid ku kooban Jubaland oo qura balse dalalka derisku qayb ka yihiin sidaas darteed loo baahan yahay in qorshe fiican laga yeesho aad looga baaraan dego arimo badan.

Ugu dambeyntii wuxuu Axmed Madoobe sheegay in todobaadyada soo socda la bilaabi doono hawlgal ballaaran, kaasoo ciidamada Jubaland iyo kuwa AMISOM si wadajir ah u sameynayaan ujeedadiisuna tahay in al-Shabaab looga sifeeyo gobollada Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM