Axmed Madoobe: Barlamanka dhowaan ayaa lasoo xulayaa

Image

January 17, 2015 (GO)- Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo waraysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa sheegay in dhowaan la bilaabi doono soo xulista xildhibaanNada Barlamanka Jubaland.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in shirka soo xulista xildhibaanadu furmayo todobaadka soo socda  lana soo xiri doono horraanta bisha February ee soo socota.

Mar wax laga weydiiyey qaabka lagu soo xulayo xildhibaanada, wuxuu sheegay in dowladu shuqul ku lahayn balse ay tahay arin dhaqan laguna saleeyey deegaanada iyadoo tixgelinta koowaadna la siin doono beelaha dega gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

" arinta Barlamanka waa wax degmooyinka ku xiran, wax maamulku soo xulayo maahee odayaal dhaqan baa iska leh...wax anagu intaan liis haben qorano yeerinayno maaha" ayuu yiri.

Sugidda amaanka iyo la-dagaalanka al-Shabaab:

Axmed Madoobe oo la weydiiyey su'aal ahayd " maxay ciidamada Jubaland horumar uga sameyn la'yihiin dhanka ammaanka iyo la-dagaalanka al-Shabaab?" Wuxuu sheegay in arintaas wax ka jiraan sababtuna tahay maadaama muhiimadda koowaad la siiyey dib-u-heshiisiinta iyo dhameystirka maamulka.

Wuxuu sidoo kale sheegay  in hawlgalka ka dhanka al-Shabaab ee ka socda gobolladaasi ahayn  mid ku kooban Jubaland oo qura balse dalalka derisku qayb ka yihiin sidaas darteed loo baahan yahay in qorshe fiican laga yeesho aad looga baaraan dego arimo badan.

Ugu dambeyntii wuxuu Axmed Madoobe sheegay in todobaadyada soo socda la bilaabi doono hawlgal ballaaran, kaasoo ciidamada Jubaland iyo kuwa AMISOM si wadajir ah u sameynayaan ujeedadiisuna tahay in al-Shabaab looga sifeeyo gobollada Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM