Axmed Madoobe oo soo gabagabeeyay socdaalkiisa Boosaaso

Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta garoonka diyaaradaha Boosaaso ka sagootiyey dhigiisa Jubbaland Axmed Madoobe iyo wafdi uu horkacayo oo maalmahan booqasho ku joogay Puntland.

Deni waxaa sagootinta ku weheliyey xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda Puntland, maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, Saraakiisha laamaha ammaanka iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Mudadii uu ku sugnaa xarunta gobolka Bari, Axmed Madoobe oo farxad ka muujiyey socdaalkiisa ayaa kormeer ku tegay xarumo dowladeed oo ay kamid tahay dekadda Boosaaso.

Sidoo kale, wuxuu kulamo la yeeshay Deni. Badi kulamadda waxaa lagu gorfeeyay xaalada guud ee dalka si gaar ah arrimaha masiiriga ah ee doorashooyinka, qabyo tirka dastuurka iyo ammaanka.

Axmed Madoobe iyo Deni ayaa kawada qeybgalay Shirka Iskaashiga Puntland iyo Jubaland oo laba casho socday, kaasoo lagu faaqidey arrimo dhowr ah, gabagabadana laga soo saarey war-murtiyeed.

Sidda ku xusan bayaanka, dhinacyadda ayaa isla meel-dhigay in aan la siyaasadeyn mashaariicda horumarinta, in la adkeeyo midnimada iyo in dowladda federaalka aysan dalka u diyaarin karin doorashooyin qof iyo cod ah.

Sidoo kale, waxay isla afgarteen in xukuumadda federaalka ay caqabad ku tahay hirgelinta nidaamka federaalka, in ay joojiso faragelinta arrimaha dowlad goboleedyadda, in ay sharci darro tahay xayiraada iyo xariga wasiir Janan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM