​Baabuur raashin siday oo dib laga celiyay Jariiban

Image

GALKACYO, Puntland- Waxgaradka iyo maamulka degmada Jariiban ee gobolka Mudug ayaa isku raacay in dib loo celiyo Raashin la sheegay inuu xumaaday oo ay bixisay hay’adda WFP, kaasoo loo qaybin lahaa dadkii abaaruhu saameeyeen ee horay looga diiwaangaliyay degmada.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Jariiban ay tageen 11 gaari oo ah nooca Xamuulka qaada kuwaasoo badeecada ay sidaan ku dajin lahaa saddex xarumood oo loo asteeyay.

Balse arrintaas ayaa keentay xiisad iyo kacdoon ka yimid shacabka kuwaasoo ka biyo diiday raashinka loo keenay iyo sida aysan u anfici karin dadka waaweyn iyo Carruurta iyagoo tilmaamay inay ka qaadayaa xanuuno ay kamid yihiin Shubanka.

Shan cisho oo ay baabuurtaas joogeen degmada iyagoo raran ayaa dib looga soo safriyay Jariiban, waxaana loo sheegay inay alaabta ay sidaan geeyaan meeshii ay ka keeneen.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo taleefon kula hadlay GO ayaa sheegay in cuntadaas aysan isticmaali karin.

Dadka deegaanka ayaa markii hore la siin jiray cunto caadi ah, balse hay’adda taakulayn jirtay ee WFP, ayaa ku wargalisay in is-badal lagu samayn doono, taasoo kaliftay in loogu badalo Gallay iyo Masego.

ku dhawaad 4,000 oo qof ayaa markii hore hay’adda ka qaadan jiray cuntooyin  isugu jiray; Bur, Bariis, Sonkor, Timir iyo Caano.

Intaba badan ma jirto cid si madax bannaan u kantaroosha badeecooyinka hay’aduhu bixiyaan ee la siinayo dadweynaha, waxaana horay u jiray in raashin dhacay laa siiyay bulshada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM