Baarlamaanka dowladda Puntland oo magacaabay guddi doorasho

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Golaha Wakiilada dowladda Puntland oo Sabtida maanta ah yeeshay fadhi kamid ah kulamadooda caadiga ah ayaa magacaabay Guddiga Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha.

Guddigaan oo ka kooban shan xubnood ayaa lagu wadaa in ay maamulaan coddeynta isla markaana ay soo saaraan habraaca doorashada iyo shuruudaha laga doonayo murashaxiinta xilkaas dooneysa.

Sidda lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Golaha, Xildhibaan Cawil Xasan Daad ayaa guddoomiye looga dhigay guddigan oo uu magacaabay gudoomiyaha golaha, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Hoos ka akhriso warka qoraalka ah

Fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa magacaabid Guddiga Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Dawladda Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilladdu Dawladda Puntland,

MARKUU ARKAY: - Dastuurka DPL Qodobada 64-aad iyo 117-aad.

MARKUU ARKAY: - Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL Qodobka 8-aad faqrada 11 -aad.

MARKUU LA TASHADAY: - Guddoomiye ku xigeennada Golaha Wakiillada DPL.

MARKUU TIX-GELIYEY:- Baahida loo qabo Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Aadanaha Dawladda Puntland.
Wuxuu Magacaabay:

Guddiga Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Dawladda Puntland.

Xil. Cawil Xasan Daad - Guddoomiye
Xil. Cabdiraxmaan Diiriye Carab - Xubin
Xil. Maxamuud Maxamed Barre - Xubin
Xil. Cabdilaahi Siciid Axmed - Xubin
Xil. Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed - Xubin

Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Dawladda Puntland ayaa lagu wadaa inay dhacdo maalinta berri ah 19ka Luuliyo, 2020 Haddii Alle idmo.

DHAMMAAD


Maalinta berri ah oo taariikhdu ku beegan tahay 19-ka bisha July sanadkan 2020-ka loo muddeeyay in ay qabsoonto doorashadda guddigaan, oo dastuuri ah isla markaana uu xeerinayo dhismihiisa qodobka 117-aad

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM