Baarlamaanka Puntland oo meelmariyey sharciyo muhiim ah

Image

GAROWE, Puntland – Golaha Wakiiladda dowladda Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah fadhi ku yeeshay xaruntooda magaaladda Garowe.

Fadhiga oo ay soo xaadireen badi mudaneyaasha Aqalka ayaa waxay ku meelmariyeen laba sharci oo la sheegay in ay muhiim yihiin.

Xeerka koowaad ee codka ay u qaadeen ayaa ah xaqsiinta Shaqalaaha dowladda marka ay gaboobaan ama ka fadhiistaan shaqadda.

Sidoo kale, waxay ansixiyeen sharci kale oo xuquuq gaar ah siinaya siyaasiyiinta hore ee xilalka soo qabtay sidda xubnaha baarlamaanka.

Hindise sharciyeedyadan ayaa waxay ansixiyeen kadib markii ay dood ka yeesheen ayna wax ka bedel badan ku sameeyeen.

Xildhibaano ka hadlay fadhiga oo bogaadiyay ansixinta ayaa tibaaxay in uu hagaajinayo mustaqbalka siyaasiyiinta iyo shaqaalaha dowladda.

Baarlamaanka Puntland ayaa wuxuu ka kooban yahay 66 xubnood, oo kala metela goboladda kala duwan ee hoos-yimaadda maamulka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM