Ban Ki-moon: haweenka Soomaaliyeed ha laga qayb geliyo siyaasada

Image

January 3, 2015 (GO)- Qaramada Mdioobay ayaa ugu baaqday Ra'isal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke in xukuumada uu soo dhisayo qoondo fiican laga siiyo haweenka.

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa sheegay in haweenka Soomaaliyeed yihiin qayb firfircoon oo kamid ah bulshada ayna mudan yihiin in laga qayb geliyo siyaasadda iyo go'aan ka gaarista masiirka dalka.

Dhan kale Mr Ban ayaa sheegay in Qaramada Midoobay soo dhoweyneyso islamarkaana taageereyso isbedellada socda iyo horumarka laga sameeyey dhanka ammaanka iyo baahinta maamulka.

Ugu dambeyntii xog-hayaha Qaramada Midoobay wuxuu ku baaqay in mudada kooban ee ka hartay waqtiga dowlada dadaal badan lagu bixiyo sidii loo dhameystiri lahaa qorsheyaalka qabyada ah gaar ahaan hirgelinta nidaamka federaalka.

Ra'isal Wasaaraha Soomaaliya oo ku hawlan xulashada xubnaha kamid noqonaya xukuumadiisa wuxuu horay u sheegay in uu soo dhisi doono gole wasiir oo aan ka badneyn 25 wasaaradood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM