Ban Ki-moon: haweenka Soomaaliyeed ha laga qayb geliyo siyaasada

Image

January 3, 2015 (GO)- Qaramada Mdioobay ayaa ugu baaqday Ra'isal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke in xukuumada uu soo dhisayo qoondo fiican laga siiyo haweenka.

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa sheegay in haweenka Soomaaliyeed yihiin qayb firfircoon oo kamid ah bulshada ayna mudan yihiin in laga qayb geliyo siyaasadda iyo go'aan ka gaarista masiirka dalka.

Dhan kale Mr Ban ayaa sheegay in Qaramada Midoobay soo dhoweyneyso islamarkaana taageereyso isbedellada socda iyo horumarka laga sameeyey dhanka ammaanka iyo baahinta maamulka.

Ugu dambeyntii xog-hayaha Qaramada Midoobay wuxuu ku baaqay in mudada kooban ee ka hartay waqtiga dowlada dadaal badan lagu bixiyo sidii loo dhameystiri lahaa qorsheyaalka qabyada ah gaar ahaan hirgelinta nidaamka federaalka.

Ra'isal Wasaaraha Soomaaliya oo ku hawlan xulashada xubnaha kamid noqonaya xukuumadiisa wuxuu horay u sheegay in uu soo dhisi doono gole wasiir oo aan ka badneyn 25 wasaaradood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM