Bandhiga Sawirrada iyo Farshaxanka oo Garowe lagu qabtay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Waxaa sannadkii saddexaad magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland lagu qabtay bandhiga Farshaxanka iyo sawirrada, waxaana kasoo qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka Putland, xubno katirsan golayaasha dowladda, Siyaasiyiinta, Sawirqaadayaal kayimid gobollada Putland, farshaxamiistayaal iyo marti ka socotay qaybaha kala duwan ee bulshada.

Bandhigan oo xalay lagu qabtay xarunta PDRC, ayaa ujeedkiisa lagu sheegay sidii kor loogu qaadi lahaa xirfaha gacanta gaar ahaan sawirrada iyo farshaxanka.

Balqiisa Cabdirisaaq Abshir, oo ah gabadha ka dambaysa in saddex sano oo isku xiga barnaamijkan uu ka hirgalo Garoowe, ayaa sheegtay in fikradan ay uga danleedahay sidii kor loogu qaadi lahaa niyadda dadka wax sawira si dalka bilicdiisa iyo hormarkiisa kor loogu qaado.

Qaar kamid ah xubnihii lagu casuumay barnaaamijkan ayaa iyaguna xusay inay ku faraxsanyihiin hirgalintan [Puntland Art Fiar] iyagoo soo jeediyay in fikradan waddanka oo dhan laga hirgaliyo islamarkaana qaabkan laga ballaariyo.

Maxamed Cabdiraxmaan Farole oo kamid ahaa xubnihii madasha lagu casuumay ayaa ku baaqay in la dhiirigaliyo dadka isku xilqaamay inay ka shaqeeyaan hormarka islamarkaana wuxuu usoo jeediyay qaban-qaabiyaasha barnaamijkan inay kasii ballaariyaan heerka uu maanta joogo.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo shahaadooyin guddoonsiiyay sawirqaadayaashii goobta kusoo bandhigay sawirradooda, ayaa bogaadiyay qorshahan wuxuuna tilmaamay in sawirrku ku fadhiyo macno weyn islamarkaana uu hormar keenayo hadii sida wanaagsan looga faa'iidaysto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM