Bangiga AMAL oo 40 dumar ah lacag ku wareejiyay [Sawirro]
GAROWE, Puntland- Bankiga Amal qaybtiisa Garoowe ayaa maanta lacag gaaraysa ku wareejiyey 40 haween ah oo kamid ah dumarka ganacsiga yaryar ku haysta Caasimada Puntland.
Bangiga ayaa qof walba oo dumarkaas kamid ah ku wareejiyay lacag gaaraysa $500 taasoo looga golleeyahay in lagu hormariyo ganacsigooda.
Barnaamijkan ayaa qayb ka ahaa maalgalinta uu wado AMAL Bank, kaasoo hal ku dhig looga dhigay, "Mataanaynta Amal Bank iyo dumarka ganacsiga yaryar ku haysta Garoow", kaasoo ujeedkiisa lagu sheegay sidii loo heli lahaa bulsho ku nool nolol wanaagsan.
Cali Cabdulqaadir Ciise Maamulaha Bangigan qaybtiisa gobolka Nugaal, ayaa sheegay in Barnaamijkan lagu baritaarayo ganacsiga yar yar si loo helo bulsho dhanka nolosha iyo dhaqaalahaba ka hormarsan, wuxuuna intaas ku daray inay sii wadi doonaan qorshahan uu wado Bangiga AMAL.
Ujeedada Dumarka loo xushay ayuu ku macneeyay in hooyadu tahay laf dhabarta guriga isagoo yiri, "Hadii lasoo kobciyo qof dumar ah macnaheedu waxay noqonaysaa in qoys iyo qaranba la hormariyay."
Madaxda Hormarinta Bangiga AMAL, Cabdinaasir Xirsi Jaamac, ayaa Haweenkaasi siiyay Tababar ku saabsan waxyaaba looga baahanyahay ganacsatada yar yar iyo qaabkii ay kor ugu qaadi lahaayeen ganacsigooda.
Bankiga Amal qaybtiisa Garowe, ayaa muddooyinkii dambe waday qorshayaal uu ku hormarinayo ganacsatada iyo danyarta, waxaan mas'uuliyiinta Bangigaasi ay sheegeen inay doonayaan sidii kor loogu qaadi lahaa ganacsiga dalka iyadoo loo marayo hab wanaagsan.
GAROWEONLINE