Barlamanka oo xasaannada kala noqday wasiirrada Puntland

Image

GAROWE, Puntland- Golaha Barlamanka Puntland ayaa saaka 18/07/2017 xasaannnada kala noqdey golaha wasiirada waxaana cod  gacan taaga ku ogolaaday in kalsoonida lagala noqdo 47 Xildhibaan hal xildhibaan uu diiday sagaal kelena ka aamuseen.

Fadhigan ayaa waxaa soo xaadiray 57 Xildhibaan waxaana inta la guda gelin ay Barlamanku cod gacan taaga ku aqbleen intooda badan in maanta ajanduhu noqdo codka u qaadista wasiirrada iyadoo la hakiyey qodob lagaga doodii lahaa ku aadan arrimaha xisabaadka maaliyadda oo laga doodi lahaa.

Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo shir gudoominayey fadhigan ayaa ku dhawaaqay in xasaannadii lagala noqday golaha wasiirada wuxuuna Madaxweyne Cabdiweli Gaas uu ka dalbay in soddon maalmood uu ku soo magacaabo gole wasiiro ah.

Golaha wasiirrada ee la riday ayaa kor u dhaafay 50 waxaana ku jira kuwo magacaban muddo yar halka kuwo kelena ay la bilawdeen xukuumadda Gaas ee la doortay horantii 2014.

Waa markii ugu horraysay oo si wadara ay Barlamanka Puntland u rideen gole xukumadeed tan iyo markii Puntland la asaasay.

Talabadaan ayaa dhabar Jab siyaasadeed ku ah Madaxweyne Gaas taasoo ku soo beegmeysa xilli Puntland ka jiraan dhbaatooyin dhaqaale iyo amni mudadii xilka a uga hartey dowlada  muddo ka yar Hal sano.

FG. Goor dhaw waxaan idiin soo gudbinaynaa Maqal iyo Muaqaal ku saabsan fadhiga maanta ee Barlamanka Puntland.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM