​Barlamanka Puntland oo ansixiyay Mashruuca Dekedda Bosaso

Image

GAROWE, Puntland- Barlamanka Puntland ayaa maanta ansixiyay hishiis ay wada galeen xukuumadda Puntland iyo shirkadda DP World ee laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta taasoo lagu wareejiyay dekedda Bosaso oo ay dayactir iyo ballaarin ku samayn doonto.

Kahor inta aysan Barlamanku asnixin waxay Xildhibaanadu u yeereen sii hayaha xilka wasiirka Dekedaha iyo gaadiidka Badda Puntland, Siciid Maxamed Raage kasoo mudanayaashu wax ka weydiiyeen hishiiskan iyo caqabadaha ka imaan kara.

Wasiirka ayaa si faah faahsan uga hadlay mashruucan oo uu sheegay in waxbadan laga faa’iidi doono.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa daawaday Barnaamij sharaxaad ay lasocoto oo looga hadlayo Mashruuca DP World ee Dekedda Bosaso kaasoo muddooyinkii dambe hadal hayntiisu ka socotay deegaanada Puntland.

Xildhibaanada ayaa markii dambe cod aqlabiyad leh ku ansixiyay hishiiskan, waxaana Natiijada ku dhawaaqay Guddoomiye Axmed Cali Xaashi oo sheegay in mashruucan uu sidaas ku ansax yahay.

Faah faahinta warkan iyo muuqaalka Ansixinta dib ayaan idiin kasoo gudbin doonaa

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM