​Barlamanka Puntland oo ansixiyay Mashruuca Dekedda Bosaso

Image

GAROWE, Puntland- Barlamanka Puntland ayaa maanta ansixiyay hishiis ay wada galeen xukuumadda Puntland iyo shirkadda DP World ee laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta taasoo lagu wareejiyay dekedda Bosaso oo ay dayactir iyo ballaarin ku samayn doonto.

Kahor inta aysan Barlamanku asnixin waxay Xildhibaanadu u yeereen sii hayaha xilka wasiirka Dekedaha iyo gaadiidka Badda Puntland, Siciid Maxamed Raage kasoo mudanayaashu wax ka weydiiyeen hishiiskan iyo caqabadaha ka imaan kara.

Wasiirka ayaa si faah faahsan uga hadlay mashruucan oo uu sheegay in waxbadan laga faa’iidi doono.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa daawaday Barnaamij sharaxaad ay lasocoto oo looga hadlayo Mashruuca DP World ee Dekedda Bosaso kaasoo muddooyinkii dambe hadal hayntiisu ka socotay deegaanada Puntland.

Xildhibaanada ayaa markii dambe cod aqlabiyad leh ku ansixiyay hishiiskan, waxaana Natiijada ku dhawaaqay Guddoomiye Axmed Cali Xaashi oo sheegay in mashruucan uu sidaas ku ansax yahay.

Faah faahinta warkan iyo muuqaalka Ansixinta dib ayaan idiin kasoo gudbin doonaa

GAROWEONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM