​Barlamanka Puntland oo asnixiyay Gollaha Wasiirada cusub [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Xildhibaanada Barlamanka Puntland ayaa maanta ansixiyay Xukuumadda cusub, ee uu Isniintii lasoo dhaafay magacaabay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas". 

Kulanka lagu ansixiyay Xukuumadda waxaa soo xaadiray 64 Xildhibaan, kuwaasi oo 61 kamid ah ay cod gacan taag ah ku meel-mariyeen Gollaha Wasiirada, 3 Mudane ka aamustay, mana jirin cid diiday. 

Wasiirada cusub iyo ku xigeenadooda, oo ka kooban 53 xubin, ayaa u badan kuwii Xukuumaddii la riday 18-kii July, marka laga reebo Wasiirad Haweenka, Duulista Hawada iyo Xanaanada Xoolaha. 

Madaxweyne Gaas oo ka qeybgalay Kulanka, ayaa soo dhaweeyay codka kalsoonida, ee la siiyay Xukuumadiisa, isagoo uga mahadceliyay Xildhibaanada ansixinta aqlabiyad leh. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM