Barlamanka Puntland oo diiday in la kordhiyo tirada Xildhibaanada

Image

GAROWE, Puntland- Wararka Warsidaha Garowe Online ka helayo Barlamanka Puntland, ayaa sheegaya in Xildhibaanadu diideen codsigii ka yimid Madaxweyne Gaas ee ku aadan in la kordhiyo tirada golaha Shacabka oo haanta ka kooban 66 mudane.

Kulamo kala gedisan oo mudanayaashu yeelanayeen todobaadkii u dambeeyay ayay isku raaceen in tallabadaas iminka suurto gal ahayn, waxayna sharci darro ku tilmaameen waraaqda uu soo qoray Madaxweyne Gaas ee ku dalbanayay in xubno dheeriya lagu daro golaha.

Xogta uu helayo GO, ayaa tilmaamaysa in tallaabadan timid kadib markii Xildhibaanada kasoo jeeda gobollada Nugal, Mudug, Sool, Sanaag iyo Buhoodle ay saxiixeen waraaq ay ku diidanyihiin rabitaanka Madaxweynaha.

Waraaqda oo laga saxiixay Xildhibaanada Puntland, ayaa loo gudbiyay Guddoonka Barlamanka, iyagoo ku midaysan inaan la furin dastuurka maadama dhib adag lagasoo maray dhismihii Puntland

“Xildhibaanada ayaa howshan iskood isaga xil saaray, waxayna sameeyeen guddiyo dhexdooda ah oo ka imaanayay gobolladii lagu aas-aasay  Puntland, waxayna isku waafaqeen in waraaqda Madaxweynuhu keenay tahay sharci darro,” Ayuu yiri Xildhibaan magaciisa codsaday in la qariyo oo la hadlay Garowe Online.

Go’aanka Mudanayaasha ayaa kusoo aaday xilli xukuumaddu doonayso in la siyaadiyo tirada golaha, waxaase arrintaas laga muujiyay walaac xoog leh, maadama ay imaan karaan beelo badan oo raba inay kamid noqdaan Barlamanka.

Xildhibaan Surcad oo goor sii horaysay la hadlayay Radio Garowe, ayaa sheegay in beelaha dega Puntland aysan ku dulmanayn Dastuurka, balse xaqoodu ku maqanyahay gobolka, taasoo la macno ah in Xildhibaanadu ku yimaadaan qaab gobol oo ku salaysan nidaamkii lagu dhisay maamulkan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM