​Barlamanka Puntland oo ka hadlay cabashada sicir bararka

Image

GAROWE- Waxaa sii xoogaystay cabashada iyo banaanbaxyada looga soo horjeedo sicir barar soo food saaray sicirka wax kala iibsiga kaasi oo si gaar ah u taabtay dadka danyarta ah ee ku nool deegaanada Puntland, kadib markii la daabacay lacago faalso ah islamarkaana kuwa kale ka yimaadeen maamullada Somaliland iyo Galmudug.

Maanta waxaa xarunta ganacsiga Puntland ee Bosaso isugu yim dad cabanaya oo haween u badan, waxayna sheegeen inay xaaladdu meel adag marayso islamarkaana la daalaa dhacayaan maaraynta nolosha, iyagoo tilmaamay inay marxaladdan sabab u ahayd lacagaha la daabacay.

Arrintaasi oo lagu dhaliilay xukuumaddan uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, waxaa markii ugu horeeyay mudadii la banaanbaxayay hadlay Barlamanka oo sheegay inay arrintaasi daba galayaan waxna ka qaban doonaan.

Xildhibaan Maxamed Maxamud Farax, oo la hadlay Radio Garowe, ayaa sheegay in dumar badan u yimaadeen iyagoo ka cabanaya sicir barar iyo lacago lasoo daabacay oo laga keenay maamullada dariska, wuxuuna intaasi ku daray in laamaha amniga ka codsadeen inay soo baaraan lacagaha suuqyada Puntland soo galay.

Maxamud Dheere oo ah guddoomiyaha guddiga ganacsiga Barlamanka, ayaa xusay inay baaritaan kadib qaadi doonaan tallaabada ku haboon ee sharciga waafaqsan.

Sicirka ayaa sidaan oo kale u kacay xilli madaxweyne Cadde Muuse, balse waxaa xadiday xukuumaddii ka dambaysay iyadoo waqtigii ay maamulka haysay suuro galin kor u kac ku yimaada maciishadda iyo sarifka lacagaha, waxaana arrinta haatan taagan sabab looga dhigay lacag faalso ah oo lagu daabacay gudaha Puntland gaar ahaan Bosaso, taasoo sababtay inay kusoo dhex dhuuntaan lacago meelo kale lagu farsameeyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM