Barlamanka Puntland oo qoraal uu ku diidayo kordhinta xildhibaanada u gudbiyey Madaxweyne Gaas

Image

GAROWE- Xildhibaanada Barlamanka Puntland ayaa qoraal uu saxiixey gudoomiyaha aqalka wakiilada Puntland u direy Madaxweyne Gaas kasoo ay ku tilmaameen in kordhin lagu sameeyo golaha shacabka uu yahay mid sharci daro ah.

Wararka aan ka heleyno qaar ka tirsan golaha wakiilada oo diidey in magacyadooda aan xusno ayaa sheegaya in qoraalkaan loo direy Mudane  Gaas uu yimid kadib markii xildhibaano gaaraya 59  warqad ay ku diidan yihiin kordhinta xubnaha Batlamanaka Puntland u gudbiyeen gudoonka aqalka wakiilada.

Warqada gudoomiyaha Barlamanka u direy Madaxweynaha Puntland ayaa sida aan xogta ku hayno waxaa ku xusan qodobo ku qoran Dastuurka Puntland kuwasoo loogu sheegey inuu jabiyey.

Xogaha ku hareereysan in kororsiimada lagu sameeyo tirada Xildhibaanada Puntland ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas u hadlayey sidii in golaha xukumada go'aankaan wax ka og-yihiin.

"Madaxweynaha Puntland oo cuskanaya qodobka 139 ee dastuurka ayaa isagoo ka dhigaya in golaha xukuumada go'aankaan wax ka og-yahay waxaa uu codsi uu soo qorey gudoonka Barlamanka." Sidaas waxaa GO u sheegey Xildhibaan diidey in magaciisa xusno.

Qodobka 139 ee Dastuurka Puntland ayaa sheegaya in dood laga furo Dastuurka Puntland ay codsan karaan oo kaliyah golaha xukuumada, 1/5 ka tirsan xubnaha Barlamanka iyo 5000 qof oo ka tirsan dadweynaha Puntland.

Dhinaca kale wararka laga helayo qoraalka loo gudbiyey Madaxweyne Gaas ayaa lagu sheegey qodobka 60 aad ee Dastuurka Puntland kaasoo sheegaya in 66 xildhibaan ee Barlamanka Puntland aan wax laga badali karin ilaa la helo tirakoobka rasmiga ah ee shacabka dagan maaamulkaas.

Codsiga kordhinta xubnaha Barlamanka Puntland ee ayaa dadka wada-daga maamulkas ku abuurey xiisad siyaasadeed iyadoo dadka la socda arimaha gobolka ku fasireen in ay tahay talaabo dadka lagaga jeedinayo wax-qabad la'aanta xukuumada  iyo safarada is-daba jooga ah ee Madaxweynaha Puntland kuwasoo yimid xilli ay jireen abaaro ba'an.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM

Madaxweyne Deni oo Tusaale U Noqday Dagaalka Argagixisada Soomaaliya

Tallaabadan ayaa muujinaysa taageerada ballaaran ee shacabka Puntland iyo guulaha muhiimka ah ee ay gaareen ciidamada.

  • Puntland

    29-01-2025

  • 09:16AM