Barlamanka Puntland oo xasaanad siiyay Afar Wasiir

Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Barlamanka dowladda Puntland oo ku guda jira Kalfadhigoodii 40-aad oo si rasmi ah uga soconaya magaalada Garoowe, ayaa maanta Xasaanad siiyay Afar kamid ah golaha xukuumadda.

Wasiirradan ayaa ka maqnaa fadhigii hore ee xasaanada lagu siiyay golaha xukuumadda ee hadda jira,  kadib markii Madaxweyne Gaas soo magacaabay kalsooni kala noqoshadii Xildhibaanada.

Wasiirrada helay Xasaanadda Dastuuriga ah ee golaha xukuumadda waxaa kamid ah; Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dib u dhiska iyo Horumarka Puntland, Abshir Cabdulaahi Maxamed, Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Wasiiru dowladaha Kalluumaysiga iyo Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Quraan-jecel.

Afartaan xubnood ayaa kahor inta aan la siin xasaanadda soo bandhigay Wax-qabadkooda iyo taariikh nololeedkooda iyagoo ballan qaaday inay dalka iyo dadka si wanaagsan ugu adeegi doonaan hadii ay helaan codka golaha shacabka.

Kulankan lagu xasaanad siiyay mudanayaashan waxaa shir Guddoomiyay Guddoomiyaha Barlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi.

Arrintan ayaa timid xilli Mas'uuliyiintan muddo magacaab-naayeen iyagoo sugayay fadhiga golaha Barlamanka, halka xubno kale dhawaan lasoo magacaabay, sida wasiir ku-xigeenka wasaaradda Dib u dhiska iyo hormarinta Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM