​Beeldaje Ismacil "Waa ayan daro madaxda Puntland oo joogta in laba shir socdan"

Image

GAROWE- Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo kamid ah isimada Puntland ee Garowe shirka uga socdo ayaa faah faahin ka bixiyay kulamadii ugu dambeeyay ee ay la yeesheen isimadii ergada ahaa ee Qardho ka yimi iyo kulan ay la qaateen madaxweynaha Puntland.

Beeldaajaha, ayaa sheegay in shirkoodii weli socdo islamarkaana uusan baaqan isagoo beeniniyay warar suuqa laguu baahiyay, wuxuuna xusay inay ka tashanayaan arrimo horay duubka dhaqanku ugu heshiiyeen.

Wuxuu tilmaamay inaysan ka qayb galayn shirka magalada Qardho ka socda, go'aankooduna ku cadyahay warsaxaafadeeda ay dhawaan soo saareen.

Beeldaaje Ismaaciil oo la hadlayay Radio Garowe, ayaa sheegay inay haboonayn in laga wadatashado waxyaabo khuseeya masiirka umadda Somaliyeed iyadoo aan la xallin arrimaha taagan oo aysan shirin dhaqanka Puntland, wuxuuna shirka saaka ka furmay xarunta gobolka Karkaar ku sifeeyay mid lagu burinayo go'aamo la gaaray.

Madaxda Puntland ayuu ku dhaliilay inay dalka joogaan islamarkaana la qabto labo shir isagoo xusay inay tahay ayaan darro usoo hoyatay xukuumaddii ay dhisteen shacabka Puntland.

Wuxuu carrabka ku dhuftay in kulan dhexmaray madaxweyne Gaas islamarkaana ka hadleen xaaladda taagan, isagoo qeexay in arrimo dhawr ah isla soo qaadeen, balse aysan jirin wax la isku afgartay inkastoo tilmaamay in meel wanaagsan wax u marayaan.

Arrintan ayaa timi kadib markii Boqor Burhaan Boqor Muuse magalada Qardho kaga dhawaaqay shir uu sheegay inay isugu imaanayaa duubka dhaqanka Somaliyeed, waxaana arrintaasi si weyn uga horyimi isimada Puntland qaarkood.

Ilaa hadda madaxda Puntland kama aysan hadlin xaaladda taagan, balse madaxweyne Gaas, ayaa maanta ka qayb galay furitaanka shirka Qardho, xilli uu saaka ka amba baxay magalada Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM