Beeraleyda Puntland oo Garowe ku shirey

Image
Image
Image
Image
Image

March 5, 2015 (GO)- Beeraleyda sagaalka gobol ee Puntland ayaa Garowe ku yeeshay shir ay ugu magac dareen Isku-tashiga Beeraleyda Puntland.

Shirkaas oo ahaa kii ugu horreeyey noociisa, waxay beeraleydu uga arrinsanayeen xal u helista dhibaatooyinka soo wajaha iyo sidii horumar looga sameyn lahaa dhanka wax soo saarka.

Kulanka waxaa kasoo qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirrada ee Puntland, ergooyin metelayey iskaashatooyinka beeraleyda ee sagaalka gobol ee Puntland iyo weliba khubaro dhanka beeraha aqoon durugsan u leh.

Faadumo Maxmed Guuleed oo ku hadleysey afka beeraleyda Puntland gaar ahaan gobolka Sanaag ayaa si kooban uga warbixisey dhibaatooyinka beeraleyda soo wajaha, arrimihii ay sida gaar ah u tilmaantey waxaa kamd ah: qalab yari, cayayaanka waxyeeleeya dalagyada iyo  tacabka beeraha dalka gudihiisa oo aan suuq fiican lahayn.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Maxmuud Xasan Soo-cadde  oo intaas kadib hadlay ayaa ballan qaaday in wasaarad ahaan ay beeraleyda ka taageeri doonaan suuq geynta tacabka kasoo go'a beerahooda.

Gaba gabadii, waxaa ereyo dardaaran ah u jeedisey beeralayda wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland, Siciido Xuseen Cali iyadoo ku boorridey inay tacabkooda kordhiyaan.

Qaar kamid ah hay'adaha dhanka beeraha kala shaqeeya Dowladda Puntland oo kulanka lagu casumey ayaan kasoo qayb gelin.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM