Beesha Laylkase oo shir uga furmay magaalada Garoowe

Image
Image

GAROWE, Puntland- Shir ay soo qaban qaabiyeen odayaasha iyo siyaasiyiinta beesha Laylkase ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe iyagoo shirkan ku casumay qaar ka mid ah Isimada iyo Cuqaasha beelaha kele ee Puntland.

Suldaan Maxamed Jaamac  Shire oo ka mid Isimada Beesha Laylkase oo Saxaafadda kula hadlay madasha uu shirkan ka furmay ayaa sheegay in kulankani looga hadlayo tabashada beeshani ay ka qabto awood qaybsiga golaha wakiilada Puntland.

Suldaan Maxamed ayaa  intaasi ku daray in Isimada Puntland ay qadiyadan rabaan inay la galaan ayna kulankan kala qayb galayaan isagoo xusay in go,aamada ka soo baxa ay dib warbahinta uga soo gudbin doonaan.

Shirkan maanta ka furmay Hotel Grand ayaan la ogayn muddada uu soconayo waxaana ka qayb galay qaar ka mid Isimada kele Puntland ayna ka mid yihiin Suldaan Siciid Maxamed Garase, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Garaad Cabdull ahi Cali Ciid iyo kuwo kele.

Barlamanka Puntland ayaa dhawaan diiday in la furo Dasturka Puntland ka dib markii Madaxweynaha Puntand Cabdiweli Maxamed Cali uu dalbaday in la furo si xubno cusub loogu daro kuraasta golaha wakiillada oo 66 ka kooban.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM