​Biyo la'aanta ka jirta gobolka Nugal oo heerkii ugu sarraysay maraysa

Image

GAROWE- Xaaladda goobaha qaybtood aad ayaa looga dayrinayaa, waxaana halis ku jira nolosha dadka, halka duunyada intii badnayd u le'deen abaaraha ka taagan gobollada Puntland qaybtood.

Meelaha ugu daran, waxaa miyiga iyo tuulooyinka kuwaaso qaybtood aysanba gaarin booyadaha biyaha dadka u dhaamiya.

Wararka aan ka helayno gobolka Nugal, ayaa sheegaya in xaaladdu kasii dartay, iyadoo dadka deegaanka sheegayaan inay maarayn la'yihiin noloshada dadka.

Maxamed Xirsi Garweyne, wuxuu Gudoomiye u yahay tuulada Awr Culus oo qiyaastii 90KM dhinaca Koonfur Bari kaga beegan caasumadda Puntland ee Garowe, wuxuuna Radio Garowe u sheegay in deegaanadaasi la iska illaawey islamarkaana halis ugu jiraan in dadka intii socon karta loo soo qaado xarunta Puntland, isagoo intaasi ku daray in biyo la'aanta jirta kaliftay in loo cabsado noloshada dadka.

Garweyne, ayaa tilmaamay in dadka iyo duunyadaba lagu waraabiyo guryaha, wuxuuna xusay inuu biyo yareeyay ceel ku yaallay Awr-culus, taasoo kaliftay in biyo looga raadsho Garowe iyo meelo kale qiimo ahaanna loogu keeno lacag cadadkeedu le'egyahay $200.

"Adeer meeshaan waxaan ka warami karo oo aan kuu sheegi karo ma yaallaan, indhihii arka maahane bini aadam hadal kusoo koobi kara waa yaryahay.Dadka iyo duunyada gurigaa lagu waraabshaa, waxaana keenay markii la waayay wax aroora," Sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha tuulada Awr-culus gobolka  Nugal.

Wuxuu intaasi raacshay inaysan jirin waxa tallaabo ah oo dowladdu qaaday isagoo ALLE weydiistay Raxmaddiisa, halka dowladda uu ku baraarujiyay inay dadka iyo dalkaba mas'uul katahay.

Dhinaca kale, waxaa noo suura gali weyday inaan xiriiro la samayno guddiyada loo xilsaaray gurmadka abaaraha.

Arrintana ayaa kusoo aadaysay xilli qaybo kamid ah gobollada Puntland aysan roob helin labadii xilli roobaad ee ugu dambaysay, waxaana maalinta Isniinta ee fooda nagu soo haysa lagu wadaan in Puntland oo dhan ka dhacdo roob doon caam ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo Xabsiga Dhigay Haweeney Ku Eedeysan Dilka Gabar 14-Jirka Ah

Baaritaanka meydka ayaa muujiyay dhaawacyo badan, oo ay ku jiraan calaamado muujinaya in gabadha la ceejiyay iyo garaacis xoog leh.

  • Puntland

    15-11-2025

  • 07:40AM

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM