Biyo Xireenkii noolasha badbaadiyey [Sawirro]
Maxamed Ismaciil Yaasiin waxa uu ka soo jeeda tuulada Mayle oo ku taal waqooyi bari Soomaaliya. Isaga iyo lix ka mid ah qoyskiisa waxa ay ka soo qaxeen abaar dabada dheeratay oo ka jirta deegano badan oo ka mid ah Soomaaliya. Safarka oo qaatay muddo saddex cisho ah waxa Maxamed iyo qoyskiisu u safareen ilaa 600KM si ay u helaan biyo. Waxa ayna yimaadeen Biyo xidheen u dhow Banderbeyla, gobolka Bari.
Maxamed waa mid ka mid ah 615,000 oo qoys oo ay abaarta Soomaaliya ka jirta barakicisay.
Inkasto wakhtigan ay roobab ka da’een gobolka misana abaarta ayaa ah mid aad u barikicisay reer guuraga, waxa ayna baabi’say xoolo badan.
Macaluul laga cabsi qabo
Soomaaliya waa mid ka mid ah afar wadan oo qarka u saran macaluul, xaalada bani’adannimo ee Soomaaliya ayaa ah mid sii xumaanaysa. Qaybo badan oo kamid ah wadanka ayaan roob helin muddo saddex sano ah. Meelaha aadka abaartu u saameysay dalaga beeraha ayaa dhamaaday, xoolahana waa kuwo aad u la’anaya. Qoysas bandan ayaa waxa ay xarasheen hantidoodii iyagoona amaahanaya lacag ay wax ay cunaan ku iibsadaan.
Kala badh dadka wadanka –6.2 milyuun dad gaaraya– ayaa cunna yari soo wajahday. 2.9 milyuun oo kamid ah dadkan waxa ay u baahanyihiin mucaawino deg deg ah si loo badbaadiyo noloshooda. Waxa jirta cabsi dhab ah oo laga qabo macaluul baahsan.
Dadka waxa ay ka cabsi qabaan in ay mar kale dhacdo macaluushii 2011 kii taas oo dishay ku dhowaad 260,000 oo ruux, kala badh dadka dhintay waxa ay ahaayeen caruur. Xaalada ayaa kasii xumaan karta abaaraihii laga soo gudbay. Ilaa iyo iminka waxa ay abaartu guryoohada ka kaxaysay shan jibaar tiradii 2011kii ay abaartu barakicisay.
Biyo ku filin maanta iyo Mustaqbalka
Macaluusha waa laga hor tagi karaa. Qaab xirfadaysan oo loo mamulo biyaha waxa uu inaga caawinaya in si degdeg loo gaarsiiyo gargaarka dadka tabaalaysan isla markaana aan abuurno xal waara oo looga hor tagi karo abaaraha iyo macaluusha iyada oo la samaynayo ilo biyo oo la isticmaali karo wakhti dheer.
Biyo xidheenka Biyo-Gaduud waa mid kamid ah ila biyoodyada laga dhisay Puntland kasoo saameyn ku yeeshay wax ka qabashada cimilada is badalaysa oo kenaysa abaaraha iyo daadadka. Waxa dhisay Wasaarad Deeganka Puntland iyada oo kaashanaysa Hay’ada Horumarinta Qaramada Midoobay, iyo sanduuqa Deeganka Aduunka. Biyo xidheenku waxa uu aad muhim ugu noqday dadka reer Guuraga ah iyagoo oo ka helay biyo ay naftooda iyo xoolahooda kaga badbaadiyaan abaarta. Dadka deegaanka Dhuudo iyo qoysas badan oo ay abaartu soo barikicisay ayaa ka faaidaystay biyo xidheenka. Waxa uu sidoo kale hoos u dhigay saamaynta isbedelka cimilada iyo abaaraha.
Abaarta ka jirta Puntland waxa ay sababtay in qiimaha biyahu kor u kacaan. Qoysaska qaarna waxa laga yaaba $200 ilaa iyo $400 in ay bishii biyo ka bixiyaan si ay xoolahooda u waraabiyaan- tan waxay ka dhiganthay qoysku maalintii wuxuu biyo ku iibsadaa $7-$14 iyada oo la eegayo hadba tirada xoolaha qoysku haysto.
Kadib markii ay soo gaareen biyo xidheenka, Maxamed Ismaciil iyo qoyskiisa waxa u suurta gashay in lacagtii ay biyaha ku iibsan jireen ku bixiyaan kharajaadka kale ee uu qoysku u baahanyahay.
‘’ Mayle biyaha waxa ay ahaayeen kuwo aan lacag ka bixino, Lakiin markii aan halkan soo gaarnay oo ay dadka inoo sheegan biyo xidheenka waxa inoo suurta gashay in aan biyo lacag la’aan ah helno.’’ Maxamed Ismaciil Yaasiin.
Kabayaal difaaci kara dhibaatada cimilada si macluusha loo yareeyo
Biyo xidheenka Biyo-Gaduud waa qayb ka mid ah fikradaha Hay’ada Horuminaranta Qaramada Midoobay ka fulisay dalka Soomaaliya si kor loogu qaado awoodo degaanku u leeyahay in la yareyo dhibaatada cimilada is badalaysa keeni karto. Mashruucan waxa lacagtiisa bixiyey Sanduuqa Deegaanka Aduunka. Hay’ada Horuminaranta Qaramada Midoobay waxay la shaqaynaysaa dawlada Federalka Soomaaliya si loo kordhiya adkaysiga bulshada deeganada Koonfur-Galbeed, Galmudug, Puntland iyo Somaliland u leeyahiin dhibaatooyinka isbadalka cimilo ee aduunka ka jira.
In la dhiso nidaam la fal gali kara isbedelka cimilo wax uu keeni karaa in la helo cunto, dib usoo noolaanshaha quud maalmeedka, iyo helida xal waara oo loo helo dhibaatooyinka jira oo ay ka mid tahay abaartu.
Beero la fal gala cimilada is badalysa ma cidhib tirayaan abaarta, lakiin waxa ay ka hortiga kartaa macaluul ay horeseedi karto abaartu. Tan waa mid muhiim u ah Soomaaliya oo ka soo baxaysa coolaad, waxayna dhiiri galinaysa in hormar waara loo helo dadka Soomaaliya oo la daalaadhacaya abaaro soo noqnoqday oo ay keentay Isbadalka Cimiladdu .
Xilli roobadkan hadii biyaha si wanaagsan loo mamulo waxay ay fursad siinaysa in beeralayda ay dalag beertaan, reer guuraguna ay xoolahooda daaqsin iyo biyo u helaan.
Dhibatooyinka biyo la’aanta;
Abaaraha iyo biya yaraanta ayaa aad usoo noqnoqota deeganada Puntland ee Soomaaliya. Roob la’aanta waxay ay dhibaato u keenta dadka reer miyiga ah, xilliaydan waxa dhibaato ku noqota inay u helaan biyo ku filan xoolahooda. Xaalada ayaa sababta in nolol maalmeed koodu hoos u dhaco waayo xoolaha nool ayaa ah meesha ay dhaqaalaha uga baalaran ka helaan. Biyo la’antu sidoo kale waa dhibaato aad u ballaaran guud ahaan wadanka waxayna sababta khilaafaad iyo isku dhacyo bulshada dhexdeeda ka bilowda.
Ka hor inta aan la dhisin biyo xiheenka, dadka reer Dhuudo berkado ayey biyaha kasoo iibsan jireen. Xilliyada abaarta biyaha barkaduhu waa kuwo aad u qiima sareeya. Waxayna qoysaska xoola dhaqatada ah iyo kuwa deegaanka ku iibsadaan biyahan in ka badan $7-$14 maalinkii. Qiimahan ayaa badana kor u kaca iyadoo loo eegayo tirada xoolaha qoyska. Reer badiyaha ayaa sidoo kale dhib kala kulma marka ay u dheelmadaan bekado aad uga fog deeganadooda, qaasatan dumarka oo nugul in lagula kaco falal guracan sida kufsi iyo waxlamid ah.
Lakiin biyo xidheenka ayaa laga dhisay meel dhamaan dadka u dhow deeganka Dhuudo gaari karaan una fududeynaysa inay xoolahooda ka warabsadan. Bishii 12aad 2016 kii deeganada Bayla u dhow roob ka da’ay ayaa waxa soor ta gal noqotay in biyo xidheenku kaydiyo biyo dhan 95,000m3
Si loo kobciyo fahanka is badalka cimilo iyo maraynta musiibooyinka dabiiciga ah heer gobol iyo heer qaranba, mashruuca waxa uu ka qaybqaadanaya gargaarka bani’adminimo ee looga hortagayo abaarta iyo dhibaatooyinkeeda. Waxa uu sidoo kale dadka Soomaalida u suurta galinayaa in samaystaan kabayaal ka difaaci kara isbadalka cimilada ee aduunka sameeyey.
‘’ Waxa loo baahanyahay gargaar bani’adminimo oo degdeg ah. Lakiin mustaqbalka fog waxa ay Soomaaliya u baahantahay kabayaal ka difaaca saamaynta cimilada is badalaysa, waxaana loo bahanyahay maal galin iyo in la adeeegsado teknoolajiyada casriga ah lana kordhiya tayada mamulka qaran iyo kan gobol. In la isu diyaariyo dhibataada cimilada waa mid aad muhiim u ah.’’ – Tom Twining-Ward, Hay’ada Horumarinta Qaramada Midoobay.
Hay’ada Horumarinta Qaramada Midoobay waxa ay caawinaysa Mamulada gobolada iyo kuwa degmooyinka si loo kordhiyo ilaha biyaha iyo maamulkooda. Waxa aan doonayna in aan dhisno Biyo xidheeno iyo meelaha biyaha lagu kaydiyo. Hay’ada Horumarinta Qaramada Midoobay waxa ay u ololaynaysaa dhisamaha kabayaal u adkaysan kara is badalka cimilada iyada danaynaysa in ay si dhow ula shaqayso xulafadeeda hormarinta iyo arrima badni’adnimada.
Kordhinta ilaha biyaha iyo abuurka beero u adkeynsan kara is bedelka cimilida si looga hor tago abaarta Soomaaliya.
Qorayaasha: Andrea Egan, Saalax Daahir, Cawil Cabdinuur, Siciid Ciise, Keelin FirzGeralad iyo Hay’ada Huramarinta Qaramada Midoobay Xafiiskeeda Soomaaliya.
Sawirada: Siciid Ciise, Hay’ada Huramarinta Qaramada Midoobay Xafiiskeeda Soomaaliya
Goobta Sawirada: Puntland Soomaaliya
Sheekadan waxa daabacay hay’ada UNDP https://undp-adaptation.exposure.co/biyo-xidheenkii-noolasha-badbaadiyey
GAROWEONLINE