Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Image

GAROWE, Soomaaliya – Dowladda Puntland ayaa Axaddii si kulul ugu eedeysay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, inuu ku xadgudbay Dastuurka dalka, iyadoo ka digtay in tallaabooyinkiisa ay sababi karaan qalalaase siyaasadeed oo baahsan.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu si khaldan u adeegsanayo heshiisyada siyaasadeed iyo qodobbada Dastuuriga ah, taas oo ay Puntland ku sheegtay mid halis gelin karta hanaanka dowlad-dhisidda.

Puntland waxay taageertay baaqyo dhowaan kasoo baxay Madasha Samatabixinta Qaran — oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin mucaarad ah iyo madaxda maamul-goboleedyada qaar — kuwaas oo ku baaqay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu xilka iska casilo si loo furo wadahadal qaran oo loo dhan yahay, kaasoo lagu gaari karo heshiis ku saabsan doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha ee la filayo.

Bayaan ka soo baxay Puntland ayaa sidoo kale xusay in muddo-xileedka madaxweynaha uu ku egyahay 15ka May 2026, waxayna dowladda federaalka uga digeen faragelinta ururrada siyaasadeed ee ku hawlan dib-u-habaynta hay’adaha dowladda.

“Waa in la iska ilaaliyaa wax kasta oo khatar ku ah midnimada qaranka, amniga iyo xasilloonida siyaasadeed,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Khilaaf siyaasadeed ayaa toddobaadyadii u dambeeyay cirka isku sii shareerayay, iyadoo dowlad-goboleedyada qaarkood ay ka biyo diidan yihiin sida ay dowladda dhexe u maareyneyso qorshaha doorashooyinka, awood qeybsiga, iyo doorka xisbiyada siyaasadeed ee dalka.

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

— GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM