Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Garoowe, Ogosto 26, 2025 – Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Amb. James Swan, iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulankan oo ay sidoo kale ka qeyb galeen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga, arrimaha siyaasadda, iyo ban’aadantinimada. Madaxda labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wadahadlay xoojinta iskaashiga Puntland iyo Qaramada Midoobey, iyadoo la adkeynayo doorka hay’adaha caalamiga ah ee taageerada horumarineed iyo midda amni.

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

Qaramada Midoobey ayaa si rasmi ah u bogaadisay Dowladda Puntland dadaalka ay ku bixineyso ciribtirka kooxaha argagixisada, taasoo muujineysa sida ay uga go’an tahay sugidda amniga iyo xasiloonida gobolka.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland ayaa u mahadceliyay Qaramada Midoobey taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay sii wadidda iskaashiga iyo wada shaqeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM