​Boliiska oo ka hadlay shilka wasiirka amniga lagu dhaawacay

Image

BOSASO- Taliyaha qaybta Boliiska gobolka Bari Gaashaanle Sare Cabdixakiim Yusuf oo qayb ka ahaa wafdiga la socday wasiirka amniga Puntland, ayaa faah faahiyay sida wax u dhaceen kadib mar uu la hadlay Idaacadda Daljir Bosaso.

Wuxuu sheegay in dhibkaasi dhacay kadib markii ay is afdhaafeen Taliyaha ciidanka Boliiska Puntland iyo taliyaha Ciidanka Birmadka, kadib ilaalooyinka labada mas'uul rasaas isweydaarsadeen sidaasina ku dhaawacmay wasiirka amniga Puntland.

“ Shaqaaqadan waxay ka dhalatay iska horimaad dhexmaray Ilaaladda taliyaha booliska iyo ciidanka Birmadka, ka bacdina waxaa ku dhaawacmay dhowr qof oo uu ku jiro wasiirkii amniga puntland cabdi xirsi, saraakiil iyo askar,  howshaasna hadda gacantaa lagu hayaa waana la xalinayaa,” Ayuu yiri taliye Cabdixakiim.

Xaaladda caafimaad ayuu ka hadlay Cabdixakiim wuxuuna sheegay in wasiirka iyo mas'uuliyiinta kaleba la dabiibayo islamarkaana wasiirka xabad ka gashay Bowdada halka xaaladiisa culustahay sarkaal Kalyaha ay kaga dhacday.

“ Wasiirka amniga alle ha u fududeeye Xabad ay bawdada ka dustay, xaaladiisa caafimaadna waa fiicantahay waxaana lagu daaweynayaa Cusbitaalka Daryeel.Hadda waxaa ugu culus nin sarkaal oo kalyaha ay xabadi kaga dhacday oo xaaladiisa culustahay, waxaa kaloo jira saraakiil kale oo ku dhaawacantay shaqaqadaas oo qaliimo lagu sameeyay oo xaaladooduna fiicantahay hadda, ” Ayuu sii raaciyay Taliye Cabdixakiim.

Arrintan, ayaa kusoo beegmaysa xilli madaxweyne Gaas ku suganyahay magalada Bosaso xarunta gobolka Bari, waxaana xaaladda Bosaso tahay mid dagan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM