Booliska oo dad usoo qabtay qaraxii ka dhacay saldhigga Bosaso

Image

January 13, 2015 (GO)- Ciidamada ammaanka Puntland ayaa dad usoo qabtay qarax saddex maalmood kahor lala beegsaday saldhigga booliska Bartamaha ee magaalada Bosaso.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari Cabdixakiim Yuusuf Xasan ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay dhowr qof oo lagu tuhunsan yahay inay weerarkaas wax ka ogaayeen.

Dadkan oo tiradooda si rasmi ah taliyuhu u carro baabin wuxuu sheegay in baaritaan lagu wado, marka baaritaankaasi soo gaba gaboobana warbaahinta loo soo bandhigi doono.

Dhanka kale taliyaha qaybta booliska gobolka Bari ayaa ka codsaday dadweynaha inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha ammaanka soona sheegaan wax kasta oo sheki geliya.

Habeenimadii Jimcaha ee lasoo dhaafay ayey ahayd markii labo bam oo kuwa gacanta ah lagu tuurey saldhiga dhexe ee booliska Bosaso.

Weerarka oo dhaawac fududi kasoo gaarey labo askari iyo haweeney kamid ah kuwa qaadka ku ag iibiya saldhigga waxaa mas'uuliyaddiisa sheegtay Ururka al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM