Booliska Puntland oo lagala hadlay fulinta sharciyada ilaalinta degaanka

Image
Wasaaradda Deegaanka , Daaqa iyo Isbedelka Cimilada Puntland ayaa qaban-qaabisay kulankan.

GAROWE, Puntland - Wasiirka Wasaaradda Deegaanka , Daaqa iyo Isbedelka Cimilada Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed oo ay weheliyaan Agaasimayaasha waaxaha wasaaradda , wasiirka ayaana ugu horeyn furay kulankan booliska gobolada lagu faray in la ilaaliyo deegaanka , lana faafiyo sharciyada shuruucda Ilaalinta Deegaanka.

Kulanka ayaa looga golleeyahay in lagu fuliyo laguna baahiyo shuruucda ilaalinta iyo maaraynta deegaanka iyo si loo ilaaliyo deegaanka iyo bulshada.

Wasiirka wasaaradda deegaanka ayaa booliska gobolada kula dardaarmay in ay adeegsadaan shuruucda Ilaalinta iyo maaraynta Deegaanka si aan xal waara uga gaarno dhibaatooyinka deegaanka loo geysto , tan ayaa meesha ka saaraysa in deegaanka loo geeysto dhibaatooyin saameyn taban ku yeelan kara deegaanka iyo bulshada

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM