Booliska Puntland oo lagala hadlay fulinta sharciyada ilaalinta degaanka

Image
Wasaaradda Deegaanka , Daaqa iyo Isbedelka Cimilada Puntland ayaa qaban-qaabisay kulankan.

GAROWE, Puntland - Wasiirka Wasaaradda Deegaanka , Daaqa iyo Isbedelka Cimilada Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed oo ay weheliyaan Agaasimayaasha waaxaha wasaaradda , wasiirka ayaana ugu horeyn furay kulankan booliska gobolada lagu faray in la ilaaliyo deegaanka , lana faafiyo sharciyada shuruucda Ilaalinta Deegaanka.

Kulanka ayaa looga golleeyahay in lagu fuliyo laguna baahiyo shuruucda ilaalinta iyo maaraynta deegaanka iyo si loo ilaaliyo deegaanka iyo bulshada.

Wasiirka wasaaradda deegaanka ayaa booliska gobolada kula dardaarmay in ay adeegsadaan shuruucda Ilaalinta iyo maaraynta Deegaanka si aan xal waara uga gaarno dhibaatooyinka deegaanka loo geysto , tan ayaa meesha ka saaraysa in deegaanka loo geeysto dhibaatooyin saameyn taban ku yeelan kara deegaanka iyo bulshada

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM