Booqashada Axmed Madoobe uga bilaabatay Garowe oo laga warbixiyey

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxtooyada Jubaland ayaa tafaasiil dheeriya waxay ka bixisay booqashada uu madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] uga bilaabatay caasimada dowlada Puntland ee Garowe.

Axmed Madoobe oo ay wehliyaan mas'uuliyiin kale waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa iyo mas'uuliyiin kale oo goleyaasha dowlada ka tirsan.

Qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee Jubaland State House ayaa lagu sheegay in Axmed Madoobe uu Garowe kaga qeyb-geli doono kulamo looga hadlayo arrimo ay kmaid yihiin siyaasadda.

"Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland," ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa la raaciyey: "Waxaa Madaxweynaha garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Dani Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Gudoonka Baarlamaanka iyo dadweyne kala duwan".

"Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Puntland waxaa uu kulamo lagaga hadlayo Xaalada Dalka ee Siyaasada Amniga iyo Hormarka uu la yeelan doona Masuuliyiinta Puntland," ayaa lagu soo xiray.

Puntland iyo Jubaland ayaa aragti mideysan oo diidmo ah ka qaatay nooc doorasho oo kasoo baxay shirkii DhuusamareebIII kaasoo Madaxtooyadda Soomaaliya afduubatay kana soo saartay go'aano ka qoslinaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM