Boosaaso: Shir laga yeeshay la dagaalanka falalka amni daradda

Image
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socdaalka wefdigu ku marayaan gobollada Bari iyo Karkaar.

BOOSAASO, Puntland – Wefdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Puntland, Mohamed Baarri Shire, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Isu-duwayaasha Wasaaradaha Dawladda ee Gobolka Bari. Kulankan, oo qayb ka ah socdaalka ballaaran ee wefdigu ku marayaan gobollada Karkaar, Bari, iyo Raascasayr, ayaa waxaa ka qeyb-galay 17 Isu-duwe oo ka kala socday Wasaaradaha Dawladda iyo Xisaabiyaha Gobolka Bari.

Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarinta adeegyada bulshada iyo suggidda amniga ee Gobolka Bari.

Intii lagu guda jiray shirka, waxaa si qoto dheer looga hadlay xaaladda adeegyada dowladda ee gobolka, iyadoo la isku raacay muhiimadda ay leedahay in si dhow loo shaqeeyo si loo xoojiyo fulinta adeegyada bulshada iyo la dagaalanka falalka amni-darrada ah. Sidoo kale, Isu-duwayaasha iyo wefdiga ayaa isla gartay in la dardargeliyo iskaashiga bulshada iyo hay’adaha dawladda si loo gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, korontada, waxbarashada, iyo biyaha.

Wefdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ayaa intaa ku daray inay diyaar u yihiin inay taageeraan qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo kuwa amniga, iyagoo balanqaaday inay si dhow ula shaqeyn doonaan masuuliyiinta deegaanka iyo odayaasha dhaqanka si loo xaqiijiyo guulaha la higsanayo.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socdaalka wefdigu ku marayaan gobollada Bari iyo Karkaar, iyagoo ku hawlan qiimeynta adeegyada bulshada, xoojinta nabadgelyada, iyo isku-xirka bulshada iyo dowladda si loo abuuro jawi horumarineed oo waara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM