Bosaso: askari ka tirsanaa booliska oo toogasho lagu diley

Image

April 9, 2015 (GO)- Magaalada Bosaso waxaa caawa lagu diley askari ka tirsanaa saldhigga booliska Mijir ee ku yaalla xaafadda Biyo Kulule.

Askarigaas oo lagu magacaabi jirey Jaamac waxaa la toogtey waxyar kadib markii uu kasoo baxay saldhigga isaga oo maraya meel u dhow masjidka Xasan Bini Cali. 

Faah faahin dheeri ah lagama hayo dilkan iyo qaabka uu u dhacay, ilaa iyo haddana lama aqoonsan haybta kuwii dilkaas fuliyey.

Ciidamada booliska ayaa daqiiqado kaddib goobta soo gaarey, waxayna sameeyeen baaritaan muddo kooban socdey.

Isla goobta dilka askarigu caawa ka dhacay, waxaa sanadkii 2011 lagu diley Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo kamid ahaa culimada waaweyn ee Puntland.

Dilkan ayaa kusoo aadaya afar maalmood kaddib markii ay magaalada Bosaso ka dhaceen labo weerar oo midkood lala beegsadey bar-kantarool midka labaadna lagu qaadey guri uu ku sugnaa duqa degmada Carmo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM